Daawo Map-ka:- Qeybo kamid ah qadkii uu mari jiray tareenkii isku xiri jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar

Daawo Map-ka:- Qeybo kamid ah qadkii uu mari jiray tareenkii isku xiri jiray Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar

daajis.com:-Magaalada Muqdisho ayaa leh taariikh fog oo ku salaysan ilbaxnimo iyo dhismayaal qadiimi ah walow uu ku yimid bur bur aad u xoogan, laakin waxaa wali muuqda raadadkii ay ka tageen oo aanan helin wax dayactir ama keydin ah.

Sanadii 1914 illaa 1941 waxaa magaalada Muqdishu imaan jiray tareen caan ahaa oo ka imaan jiray magaalada Jowhar ee gobolka qaniga ku ah dhul beereedka ee Shabelaha Dhaxe, kaas oo raadkiisa hadda wali ka muuqdo qeybo kamid ah gobolka , waxaana wali gobolkaasi lagu arkayaa qeybo kamid ah birihii kasameesnaa jidkii uu mari jiray tareenkaasi.




Qadkan tareenka mari jiray ayaa lagu magacaabi jiray Mogadiscio-Villabruzzi Railway,waxaana markiisi hore uu u ekaa Magalada Muqdishu hareereeda, laakin Dagaalkii koowaad ee aduunka kadib ayaa nin lagu magacaabi jiray Luigi Amedeo, Duke of the Abruzzi ayaa horumariyay qadaka tareenka isku xiro Magaalada Muqdishu iyo magaala madaxda gobolka shabeelaha dhexe ee Jowhar kaas oo ka dhigay 114km.

Qorshaha qadkan tareenka loo diyaariyay 1928 ayaa ahaa in uu noqdo mid isku xiro mgaalada jowhar iyo wadanka Itoobiya laakin qorshaasi waxaa hakiyay dagaalkii loo yaqiinay Second Italo-Abyssinian War ee sanadkii 1936.

Sanadkii 1939 ayaa hogaamiye lagu magacaabi jiray Benito Mussolini ayaa diyaariyay qorshe ka koobnaa waddo iyo qad tareen oo isku xiro Magaalooyinka Jowhar iyo Adisababa laakin waxaa la dhisay kaliya wadada xiligii dagaalkii labaad ee aduunka islamarkaasina waxaa burburiyay gumeysigii Talyaaniga ,dhanka kale qorshii tareenka waxaa ka hirgalay kaliya Magaalada Adisababa ilaa xadka Soomaaliya kaas oo ay u isticmaali jireen qorshaha qabsashada gudaha Soomaaliya.

1941 ayaa ciidamo ka tirsan kuwii gumeysiga Ingiriiska ay furfureen qadkii tareenka iyaga oo ka tagay xoogaa yar oo ku koobnaa dakada Xamar (dakada Duqda ah) walow qeybaha qadka tareenkan ay u qaadeen wadanka Eratareya si ay ugu isticmaalaan qad tareen oo ku yaalay isla wadanka eretareya oo lagu magacaabi jiray Massawa-Asmara railway.

1980, ayaa madaxweynihii Siyaad barre waxa uu isku dayay qorshe uu kusoo noolaynayo dib udhiska qadkan tareenka laakin waxaa qorshahaasi uu dhicisoobay 1991 oo wadanka dhan uu galay bur bur iyo dagaalo sokeeye. 

Tareenkan ayaa sanadkii 1930 waxaa uu qaaday 19,359 rakaab ah ay ku jiraan dad dalxxisayaal iyo kuwa caadi ah isla sanadkaasi waxaa uu qaaday badeeco gaarayso 43,467 ton oo u badnaa Moos iyo Qaxwo laga dhoofin jiray dakada Muqdisho, waxaana maamuli jiray shirkad lagu magacaabi jiray Ferrovie Somale, waxayna ka heshay sanadkaasi 1930ka lacag gaarayso 1,591,27 Lira Somala.

Goobaha uu istaagi jiray Treenkan


Goobta Fogaanta 


Mogadiscio 0 km (0.0 mi)
Ponte sullo Shebelle 30 km (18.6 mi)
Afgoi 50 km (31.1 mi)
Adalei 66 km (41.0 mi)
Garsala 80 km (49.7 mi)
Moico 90 km (55.9 mi)
Ponte sullo Shebelle 111 km (69.0 mi)
Villaggio Duca degli Abruzzi (Jowhar) 114 km (70.8 mi)


source:allbanaadir.com
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada