SAWIRRO:- Wasiirka Arr. Dibadda oo xafiiskiisa ku qaabilay mas`uuliyiin ka socda Qaramada Midoobey

SAWIRRO:- Wasiirka Arr. Dibadda oo xafiiskiisa ku qaabilay mas`uuliyiin ka socda Qaramada Midoobey

daajis.com:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Wafdi ka socda hey`adaha Qaramada Midoobey oo uu hogaaminayay Kuxigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Q/M u qaabilsan Soomaaliya ahna isku duwaha arrimaha bani`aadanimada Soomaaliya.

isla markaana ah ergeyga degan ee hey’adda UNDP Mr. Philippe Lazzarini, waxa ayna ka wada hadleen arrimaha siyaasadda,bani’aadanimada, barakacayaasha gudaha, qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, dhaqan gelinta qorshayaasha barnaamijka hiigsashada cusub (New Deal ) iyo qodobo kale .

Kulankan ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh uu ku soo bandhigay baahida loo qabo kaalin balaaran oo hey’adaha qaramada midoobey ay ka qaataan howlaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso ee dhinacyada horumarinta iyo dib u dhiska dalka .
Kulankani oo ku soo idlaaday jawi isfaham leh , ayaa mas’uuliyiinta kale ee hey’adaha qaramada midoobey ka socday ee  ka qeyb galay ay kala ahaayeen Mr. George Conway oo ah agaasimaha hey’adda UNDP ee Soomaaliya iyo Ms. Hanna Schmitt oo ah sarkaalad ku xeeldheer gargaarka waxtarka leh oo ka tirsan Xafiiska ergeyga degan ee hey’adda UNDP.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada