Ciidamo aad u hubeesan oo Itoobiyaan ah oo gaaray Gobolka Galgaduud iyo Xog ku aadan ujeedkooda oo la ogaaday

Ciidamo aad u hubeesan oo Itoobiyaan ah oo gaaray Gobolka Galgaduud iyo Xog ku aadan ujeedkooda oo la ogaaday

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay deegaano iyo Degmooyin katirsan gobolkaasi ay gaareen ciidamo tiro badan oo itoobiyaan ah kuwaa oo wata gaadiid dagaal.

Ciidamadan ayaa gaaray Shalay galinkii Dambe Degmada Guriceel iyo Deegaano kale oo Galgaduud katirsan halkaas ay horey ugu sugnaayeen Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah , Ciidamada hada Gaara Guriceel ayaa lasoo warinayaa in ay aad u hubeesan yihiin ayna wataan gaadiid dagaal oo aad u badan.

Saraakiil katirsan Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee gaaray Gobolka Galgaduud ay qeyb ka yihiin Ciidamada AMISOM ayna xiran yihiin dareeska gaarka ah ee Ciidamada AMISOM.


Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Taar-dhuleed ayaa sheegay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo gaaray Gobolka Galgaduud in ujeedkoodu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalo uu sheegay in gobolka looga saarayo Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan waxa ay si rasmi ah ugu biireen Howlgalka AMISOM ,waxa ayna maalmihii ugu dambeeyay kusoo qul qulayeen gobolo iyo Degmooyin ay horey ciidankaasi u joogeen, waxa ayna isku diyaarinayaan sida saraakiishooda laga soo xigtay dagaalo ay la galaan Al-Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada