Daawo Sawirada:- Safarkii Ay Ciyaartoyda Man United Ku Tageen London Ka Hor Kulanka Emirates Stadium Ee Caawa.

Daawo Sawirada:- Safarkii Ay Ciyaartoyda Man United Ku Tageen London Ka Hor Kulanka Emirates Stadium Ee Caawa.

daajis.com:-Kaliya 48 saacadood ka dib markii gool barbaro ah xilli danbe ay ka dhalisay Fulham, ciyaartoyda Manchester United ayaa u muuqda kuwa ku jira jawi fiican safarkoodii ay ku tageen London iyagoo caawa wajahaya Arsenal.

David Moyes iyo kooxdiisa ayaa lagu sawiray xarunta tareenka Wilsmslow galabnimadii talaadada, iyagoo sugayay tareen ay ku tagaan caasimada ka hor kulankooda caawa ee Emirates.
Wayne Rooney, Chris Smalling iyo Nemanja Vidic ayaa la arkayay iyagoo kaftan isweydaarsanaya ka hor safarka labada saacadood qaatay, halka Tom Cleverley iyo Ashley Young ay u muuqdeen kuwa diirada saaraya shaqada u taala. 
Ciyaartoyda Manchester United (Midig ilaa bidix) Wayne Rooney, Nemanja Vidic, Chris Smalling, Michael Carrick, Darren Fletcher, Robin van Persie iyo Alexander Buttner oo imaanaya xarunta Wilmslow.

Tababaraha Man United David Moyes oo rajeynaya inuu ka soo kabsado niyadjabkii Fulham ee axadii.
Rio Ferdinand (midig) iyo Carrick (bidix) oo isku diyaarinaya inay tareen ku dhacaan oo ay u socdaalaan London.
United ayaa kulankaan ciyaareysa iyadoo booska ugu danbeeya ee loogu soo baxo Champions League u jirta sagaal dhibcood ka dib barbarihii ay la galeen kooxda horyaalka ugu hooseysa ee Fulham.
Inkastoo ay kaliya badiyeen labo ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka, Moyes ayaa ugu baaqay ciyaartoydiisa inay soo bandhigaan qaab ciyaareed la mid ah kii ay ku gaaraaceen koxda Arsene Wenger markii ay martida ku ahaayeen Old Trafford bishii November markaasoo ay 1-0 kaga badiyeen. 
Tom Cleverley (dhexda) iyo Ashley Young (bidix) oo u muuqda kuwa diirada saaraya howsha sugeysa caawa.
Rooney, oo lagu sawiray isagoo kaamirada soo fiirinaya, waxaana uu rajeynayaan inuu goolkiisii ugu horeysay ka dhaliyo Arsenal tan iyo markii uu dhaawaca ka soo laabtay.
Rooney iyo Smalling oo kaftamaya ka hor safarkoodii labada saacadood qaatay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada