daajis.com:-Shirkadda Facebook ayaa gashey heshiis ay kula wareegeyso barnaamijka fariimaha telefoonada la isaga dhex-diro ee WhatsApp, Facebook ayaa WhatsApp dul dhigey $16 Bilyan waxaana qayb ka mid ah lacagta ay u bixinayaan caddaan ama Kaash halka qaarka kalena ay yihiin Saamiyo.
Dhamaadki sanadki 2012 iyo weliba sanadkii 2013 ayaa warar hoose soo baxeen oo sheegaya in shirkadaha Google iyo Facebook ay tartan ugu jiraan in ay gataan barnaamijkan caanbaxay ee WhatsApp.
Marka la eego heshiiska Facebook kula wareegtey WhatsApp ayaa dhigaaya in $12 Bilyan ay ku bixineyaan Saamiyo, $4 bilyan waxay ku bixinayaan caddaan ama kaash toos loo siinayo mulkiilayaashii WhatsApp. Facebook ayaa sidoo kale bixinaaya $3 bilyan oo Saamiyo xadidan ah taas oo ay si khaas ah u leeyihiin AsaasayaashiisShirkadda WhatsApp iyo shaqaalaha, waxaana guud ahaan lacagta ay ka dhigeysaa $19 Bilyan.
WhatsApp ayaa la asaasey sanadkii 2009 waxaana sameeyey laba Injineer oo horey uga shaqeyn jirey Shirkadda Yahoo, Jan Koum iyo Brian Acton. Xarunta u weyn ee shirkadaa ayaa ku taala Mountain View ee Gobolka California cariga Maraykanka.
Whats App ayaa ku shaqeeya Internetka waxaana uu u shaqeeya sida SMS si gaar ah waxa uu ugu shaqeeyaa telefoonada casriga ah ee taabashada ku shaqeeya, waxaana barnaamijku lee yahay in ka badan 450 milyan oo isticmaale maalinkasta.
Si kastaba ha ahaatee hadalhaynta ayaa ah qiimaha baaaxadda leh ee la kala siistey shirkadd jirtey muddo 4 sanoah oo keliya, sidoo kale waxaa la sugayaa sida la isugu xiri doono Facebook iyo WhatsApp oo ah aba aaladood oo si weyn loo isticmaalo.
W/D Khalid Yusuf
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:23 and have
, Published at