Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ukraine Ayaa Sheegtay Dibedbaxyaasha Kiev ay boliiska qafaasheen

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ukraine Ayaa Sheegtay Dibedbaxyaasha Kiev ay boliiska qafaasheen

daajis.com:-Wasaaradda arrimaha gudaha ee Ukraine ayaa sheegtay in dibedbaxayaasha dalkaas ay qafaasheen ugu yaraan 70 askari oo boliis ah.
Ugu yaraan 21 ruux ayaa lagu dilay rabshado ka soo cusboonaaday dalka Ukraine saacada kaddib markii la sheegay in dowladda ogolaatay wadahadal.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in goobta dibedbaxyada loo adeegsanaya rasaas nool iyo tuubooyin biya ah.
Midowga Yurub ayaa gelinka dambe ee maanta ka shiraya in cunaqabateyn uu kusoo rogo Ukraine iyo in kale.

Taliyaha militeriga

Rabshadihii ka dhacay caasimada Kiev labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 26 ruux.
Dhanka kale, madaxweyne Yanukovij ayaa xilka ka qaaday madaxa ciidammada ee dalkiisa, Janaraal Volodymyr Zamana.
Wax sabab ah uma sheegin xil ka qaadistaas.

Barack Obama

Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, ayaa ka digay in cawaaqib xumo ay la kulmi doonaan kuwa sida xun u adeegsada awoodooda, oo ay ku jiraan ciidammada Ukraine.
Ruushka ayaa ku tilmaamay rabshadaha ka dhacay Ukraine isku day afgembi oo ay sameeyeen kooxaha xagjirka ah.
Dibedbaxyada Ukraine ayaa socda muddo saddex bilood ah
Rabshadaha ka socda Ukraine ayaa salka ku haya in dalkaasi uu iskaashi wanaagsan la yeesho Midowga Yurub iyo in kale.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada