Mathieu Flamini Oo Carro Kala Duldhacay Mesut Ozil Intii Ay Socotay Ciyaartii Xalayto.

Mathieu Flamini Oo Carro Kala Duldhacay Mesut Ozil Intii Ay Socotay Ciyaartii Xalayto.

daajis.com:-Mathieu Flamini ayaa carro kala duldhacay Mesut Ozil intii ay socotay kulankii Champions League ay Arsenal guuldarada ka soo gaartay Bayern Munich xalayto, iyadoo jariirada Daily Mail ay sheegeyso inuu ku eedeeyay xiddiga Jarmalka dadaal yari.

Waqtiga isku dhaca ayaa yimid qeybtii labaad ka dib markii Bayern Munich ay kubad la soo baxsatay laakiin uu goolka gadaashiisa kubada ka soo qabtay Lukas Fabianski.
Ozil ayaa farta ku fiiqay isagoo eedeynaya daafaca Laurent Koscielny laakiin waxa uu jawaab kulul ka helay Flamini, taasoo keentay in waxoogaa yar ay is riixriixaan labada ciyaaryahan.
Hadalada la isweydaarsaday ayaana gunaanad u ahaa jahwareerkii heystay Arsenal kuwaasoo mar kale ay ciyaarta ka qabtay kooxda heysata horyaalka Jarmalka, islamarkaana hal lug la sii gashay wareega 8da madaama ay 2-0 ku badiyeen kulankii Emirates.
Xiddiga 42.5 milyan ginni ku fadhiya ee Ozil ayaana gaar ahaan mid niyadjab leh qaab ciyaareedkiisa, taasoo keentay inuu eedeymo kala kulmo taageerayaasha Arsenal ee isticmaala Twitter.
Inkastoo lagu eedeeyay caajis inuu ahaa hadana waxaa taas meesha ka saareysa xaqiiqda ah inuu orday 11.69 kiilomitir mudadii 90ka daqiiqo aheyd waxaana uu ahaa xiddiga seddexaad ee garoonka ku jiray ee ugu dhaqdhaqaaqis badnaa.
Flamini ayaase ahaa xiddiga ugu horeeya ee ugu dhaqaqaaqa badnaa xalayto isagoo orday 13.53 kiilomitir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada