Daawa Sawirada:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kampala kula kulmay Madaxweyne kuxigeenka Brundi

Daawa Sawirada:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kampala kula kulmay Madaxweyne kuxigeenka Brundi

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo xalay soo gaaray magaalada Kampala ee dalak Uganda oo booqasho rasmi ah uu ka helay ayaa la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Brundi Mudane Gervais Rufyikiri. 

Labada Mas’uul ayaa ka hadlay sidii xiriir dhow iyo iskaashi ay u wada wadaagi lahaayeen, iyadoo Brundi ay xilligan hogaamineyso howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay kaalinta ciidnaka AMISOM iyo horumarka ka muuqda dalka Soomaaliya oo kasoo kabanaya burbur xoog badan. Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu uu sheegay in ay u qorshaysan tahay in dhowaan ay ka guulaystaan kooxaha Nabad-diidka ah.

“ Burundi waxaa ay qayb weyn ka qaadatay xasiloonida dalka Soomaaliya, labada dal waxaa ay sii xoojinayaan xiriirka u dhexeeya , waxaana aan iska kaashan doonnaa dib u dhiska hay’adaha dawladda. Burundi waa dal ay soo mareen dhibaatooyin dagaal, waxyaabo badan ayaan ka sheekaysanay oo ay kamid tahay dhibaatooyinkii dalkaasi ka dhacay iyo sida ay hogaamiyayaashu ugu guulasteen in xal loo helo nabadda, korna loo qaado isku xirka shacabka iyo dawladda si kor loogu qaado adeegyada bulshadu ay u baahantahay.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay horumarka ay Somalia ku talaabsatay, dalka Burundi waxaa uu gacan ka gaysan doonaa sidii Soomaaliya ay uga dhalan lahayd xasilooni, dib-u-dhis loogu samayn lahaa hay’adaha dawladda iyo horumar laga gaaro dhanka adeegyada bulshada .” Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka dalka Burundi Mudane Gervais Rufyikiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay soo gaaray magaalada Kampla ayaa lagu wadaa in maanta uu la kulmo Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yuweri Museveni iyo mas’uuliyiinta kale ee dalka Uganda oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta danaha ka dhexeeya labada dawladood.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada