TARSAN: - Qofkii Shabaab ah ee la arko isla goobta uu joogo halagu dilo

TARSAN: - Qofkii Shabaab ah ee la arko isla goobta uu joogo halagu dilo

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ku baaqay in qofkii Shabaab ee la garto in isla goobtii lagu arko lagu dilo dhagax, hadalkan ayuu tarsan sheegay xili uu ka qeyb galayay shir looga hadlayay ammaanka,oo ka dhacay degmada H/wadaag .

Tarsan ayaa sheegay in shacabka Muqdisho iyo maamulka gobolka looga baahan yahay inay iskaashadaan xasilinta amaanka iyo ciribtirka Shabaab.

"Waxaa rabnaa inaan is weydiino sababta magaaladani colaada loo gelinayo, dabka looga shidayo, maxaa loogu diidan yahay horumarka, maxaa dadkeena khilaafka loo dhex gelinayaa, maxaa magaaladeena bartilmaameed u noqotay, barakicin, cabsi iyo argagax loogu hayaa" ayuu yiri Gudoomiye Tarsan oo isweydiiyay sababta dhibaatada iyo argagaxa loo gelinayo Muqdisho oo horumarka loogu diidayo.

Duqa Muqdisho ayaa soo jeediyay in qofkii Shabaab ee la qabto lagu dilo isla goobta lagu qabto, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay dhagax ku dilaan, maadaama uu baneystay dhiigooda sida uu yiri.

"Anigu waxaa la yaaban yahay shabaabkan waa la qabtay la leeyahay, meesha lagu qabto ha lagu dilo, sababtoo ah dhiiga umadu baneystay , umadana waa inay dhagax ku dishaa, wax dhagax lagu dilo waxaan aheyn ma astaahilaan" ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan.

Waxaa uu sheegay inay dhamaatay xilligii ciidamada ay dagaalka la geli lahaayeen Shabaab oo loo baahan yahay in shacabka la dagaalamaan, waxaana uu baaq u soo jeediyay dadweynaha ku nool deegaanada ay maamulaan inay iska kiciyaan sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku guubaabiyay shacabka Muqdisho inay soo sheegaan Shabaabka ku dhuumaaleysanaya degmooyinka, isla markaana hey'adaha ammaanka ku soo wargeliyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada