Daawo Sawirada:-Rag lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin Al-Shabaab oo maanta xukuno kala duwan lagu riday

Daawo Sawirada:-Rag lagu eedeeyay in ay katirsanyihiin Al-Shabaab oo maanta xukuno kala duwan lagu riday

daajis.com:-Maxkamada Ciidamada qalabka ee Maamulka Puntiland ayaa maanta xukuno kala duwan waxa ay ku riday rag lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab falal amaanka lidi ku aha ka waday deegaanadaasi.


Gudoomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka sida Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay Xukuno sanado kala duwan ah oo lagu riday Sadax nin oo loo heesto in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab.

Raga Maanta Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Puntiland Xukunada kala duwan ku riday ayaa kala ahaa.

C/xakiim Cumar Guduudow- oo lagu xukumay 5-sano oo xarig
C/xakiim Cabdullaahi Xundul- oo isna lagu xukumay 10-sano oo xarig
C/raxmaan Muuse Cismaan- waxaa isna lagu xukumay xabsi daa’in

Maxkmaada Ciidanka Qalabka sida Puntiland ayaa sidoo kale xabsiga kasii deysay Aweys Buule Saadiq oo isagu lagu waayay dambiyo markii hore lagu soo eedeeyay loona xiray.

Xabsiyada Maamulka Puntiland waxaa ku xiran dhalinyaro badan oo qaarkood loo heesto in ay katirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab , Falal amaanka deegaanadaasi lidi ku ahna halkaasi ka waday.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada