Top News:- Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya Culees badan kala kulmaya Labo Wasiir oo katirsan Xukuumadiisa .

Top News:- Ra'izul Wasaaraha Soomaaliya Culees badan kala kulmaya Labo Wasiir oo katirsan Xukuumadiisa .

daajis.com:-Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed oo ku jira bishiisii labaad tan iyo markii uu soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana Golihiisa Wasiirada uu ansixiyay Baarlamaanka ayaa waxaa durba ka hor imaanaya caqabado is hor taagay gudashada waajibaadkiisa.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka soo xiganay ilo ku dhow xafiiska Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh ayaa sheegaya inay jiraan culeysyo uga imaanaya Wasiiro ay ahayd inay isaga hoos tagaan, balse ay u muuqato inay aaminsan yihiin inay yihiin La Madaxweynayaal.

Labada Wasiir ee kala ah: Wasiir Faarax iyo Wasiir C/Kariin ayaa cid kasta oo ka aqoon sareysa u arka caqabad hortaagan kooxda Dam-Jadiid oo ah koox aqoon maamul dowladeed aan marnaba ehel u ahayn.

Labadaan xubnood oo caan ku ah ka shaqeynta khilaafka madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaarihiisa, isla markaana howlaha ay ku guuleysteen ay ka mid yihiin in la rido xukuumadii Ra'iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo kahortegiddii degdegta ahayd ee moshinkii lagu diidanaa ka mid noqoshada xubnihii Dowladii Saacid ee Wasiirada cusub ayaa waxay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku hor istaagayaan in Ra'iisal Wasaare C/Weli uu howshiisa si madax bannaan u guto.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labadaan Wasiir falalka ay ka dhex wadaan madaxtooyada ay ka mid yihiin: inay iyagu ka qeyb galaan shirarka gaarka u ah Ra'iisal Wasaare C/Weli, gaar ahaan shirarka uu la yeelanayo beelaha, kan Saraakiisha iyo hay'adaha kale ee Dowladda iyadoo aan waliba shirarkaasi laga casuumin ka soo qeyb galkooda.


Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo diiday magaciisa in la shaaciyo ayaa welwel ka muujiyay xaaladda Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed ee ku saabsan inuu howshiisa si madax bannaan u guto, isagoo sheegay in labada Wasiir ee Cadaaladda iyo amniga faragelin toos ah iyo mid dadbanba ku hayaan howsha Ra'iisal Wasaaraha, waxaana xafiiska ra'iisal wasaaraha ka garab abuuran xafiis ay dalka si dadban uga maamulaan oo lagu magacaabo "Policy Unit" oo micnaheedu yahay in Wasaarad walba ama Wasiir walba shaqadiisii uu xafiiskaasi qabto.

"Waxaan ka welwelsanahay in Ra'iisal Wasaare C/Weli uu maro jidkii Ra'iisal Wasaarihii ka horeeyay ee Saacid" ayuu yiri xildhibaankaan diiday magaciisa oo sheegay sidoo kale in Wasiirada kooxda Dam-Jadiid ay wadaan qorsheyaal ballaaran oo ay isku muujinayaan inuu gacantooda ku jiro xukunka iyo awoodda ugu sareysa Dowladda.

Wasiirada Dam-Jadiid waxay kaloo olole xoogan ugu jiraan sidii ay ku urursan lahaayeen dhaqaale fara badan, iyagoo bilaabay inay gacanta ku dhigaan dhammaanba ilihii dhaqaale ee wadanka, isla markaana la wareegay wax kasta oo kunturaadaha dalka ee Soomaaliya caalamka ku yaboohay si toos ah iyo si dadbanba.

Ugu dambeyntii su'aasha isweydiinta mudan waxay tahay kooxda Dam-Jadiid ma hanan doontaa hamigeeda ah inay milkiso masiirka ummadda Soomaaliyeed oo ah nidaamka Dowliga ah? haddiiba geed dheer iyo mid gaabanba u kortay sidii ay u ballaarsan lahayd awooda Dowladda Federaalka.

W/Q Xalane C/qaadir Xuseen (Bootiko)
Muqdisho - Soomaaliya


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada