Aadan Madoobe:- Shariif Xasan diyaarad ayuu Hub ku soo rartay, Baydhabo ayuu rabaa inuu ku dhibaateeyo

Aadan Madoobe:- Shariif Xasan diyaarad ayuu Hub ku soo rartay, Baydhabo ayuu rabaa inuu ku dhibaateeyo

daajis.com:-Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku eedeeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan in diyaarad hub uu ku soo rartay uu keensaday magaalada Baydhabo, si uu dhibaato ugu abuuro.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in sababta loo diidan yahay Shariif Xasan ay tahay inuu ka soo horjeedo rabitaanka iyo xuquuqda dadka ku nool Gobolka oo sameystay maamul lix gobol ah.

"Shariif Xasan wuxuu baydhabo u soo rartay diyaarad hub u sida oo BKM iyo AK47 isugu jira, wuxuu doonayaa inuu dhibaato ka geysto Baydhabo, hubka waxaa laga soo raray Muqdisho, dowladana ma mooga, sababtoo ah meel ammaankeeda la ilaaliyo waaye garoonka, hal gumac oo rasaas qofkii wata waa la soo saarayaa"ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in arrintan ay kula xisaabtamayaan hey'adaha ammaanka dowladda, maadaama uu ka tirsan yahay Gudiga Amniga Baarlamaanka, isagoo is weydiiyay sababta keeneysa in nin Xildhibaan ah hub uga soo rarto diyaarad.

Waxaa uu sheegay in dadka reer Baydhabo ay aad cuntami la'dahay siyaasada uu wado Shariif Xasan, isagoo intaa ku daray inuu doonayo inuu kala qeybiyo dadka deegaanka oo isku raacay Maamulka lixda Gobol sida uu yiri.

"Dadka reer Baydhabo siyaasada uu wado Shariif Xasan waa ka soo horjeedaan, maxaa yeelay nin Xildhibaan deegaanka ka soo jeeda waaye lama diidi laheyn, ee waxaa la diidan yahay mabda'a uu ku socdo oo ah dhibaatada shacabka iyo rabitaankooda ayuu ka hor taagan yahay maamulka ay sameysteen ayuu maamul ka dul dhisaya leeyahay anaa kala qeybinaa taas marka hore lagu nacay"ayuu yiri Aadan Madoobe.

Shalay ayay aheyd markii banaan bax rabshado watay oo looga soo horjeeday imaanshaha Shariif Xasan uu ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo taas xiisad gelisay magaalada, isla markaana ay ka dhaceen iska hor imaadyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada