Gudoomiyeyaal ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilalkii laga qaaday (Magacyadooda)

Gudoomiyeyaal ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir oo xilalkii laga qaaday (Magacyadooda)

daajis.com:-Iyadoo uu socdo qorshayaal is bedel ballaaran loogu sameynayo Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay labo Gudoomiye degmo.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in seefta xil ka qaadista Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ay qaaday Gudoomiyeyaasha degmooyinka Dharkeenley iyo Huriwaa, iyadoo loo magacaabay Gudoomiyeyaal cusub oo lagu sheegay inay yihii dhalinyaro aqoonyahano dibada wax ku soo bartay.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley ayaa waxaa loo magacaabay nin dhaliyaro ah oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Cumar oo la sheegay in dalka Uganda uu ku soo waxbartay, waxaa uu bedelay Gudoomiyihii hore Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo ahaa nin da' ahaa.

Sidoo kale Cumar Cabdulle Jacfaan oo ahaa Gudoomiyihii Huriwaa ayaa isna waxaa lagu bedelay nin kale oo ay isku heyb yihiin, waxaana magaciisa naloogu soo gaabiyay Maxamed Qoslaaye.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wali aanay si rasmi ah loo shaacin xil ka qaadistan, hase ahaatee ilo ku dhow dhow Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in dhamaan mas'uuliyiinta xilka laga qaaday lagu wargeliyay, isla markaana Gudoomiyeyaasha cusub ay heystaan warqaadahooda magacaabista.

Qorshahan is bedelka guud ee Gudoomiyeyaasha raagay ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku lug leh Wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in gudoomiyeyaal hor leh xilka laga qaado.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa horay u sheegay inuu is bedel la imaan doono maamulkiisa, waxaana is bedelada ay u muuqdaan kuwo deg deg u saameynaya Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

xigasho:jowhar.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada