Ajaaniib Tarxiilayaal ah oo laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho iyo Dowlada oo ka hadashay arintaasi

Ajaaniib Tarxiilayaal ah oo laga soo dajiyay Magaalada Muqdisho iyo Dowlada oo ka hadashay arintaasi

daajis.com:-Mudooyinkii ugu dambeeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa kasoo dagayay diyaarado dhoor ah oo waday boqolaal Soomaali laga soo tarxiilay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Waxaa Soo baxaya Warar sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee lag soo tarxiilo dalka Sacuudiga lagu soo daro Dad ajaaniib ah oon u dhalan Dalka ,kuwaa oo iyana laga soo dajiyay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Qorsheel oo ka hadlay dadka ajaaiibta ah ee Muqdisho laga soo dajiyay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay lasocoto Muwaadiniin aan Soomaali aheyn oo dalka Tarxiil lagu keenay kalana xisaabtami doonto dalka Sacuudiga.

Wasiirka waxa uu intaa ku daray in uu indhihiisa ku arkay Muwaadiniin Sacuudi iyo Ethiopian ah oo dadka la soo tarxiilay oo Muqdisho la keenay kamid ah , waxa uuna ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya in arrintaasi ay wax ka qabato.

Bilo kahor ayey aheed markii Magaalada Muqdisho laga soo dajiyay nin sheegay in uu yahay Sacuudiyaan kaa oo lagu eedeeyay in uu Warar aysan Boqortooyada Sucuudiga jecleesan ka qoray kadibna qaab tarxiil ah lagu keenay Magaalada Muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada