Tarsan oo Maanta Daaha ka qaaday sir uu in mudo ah qarinayay oo la xariirta Musuq Maasuq dhacay

Tarsan oo Maanta Daaha ka qaaday sir uu in mudo ah qarinayay oo la xariirta Musuq Maasuq dhacay

daajis.com:-Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyihii Gobolka Banaadir oo maanta ka hadlay Munaasabad uu xilka ku wareejinayay ayaa daaha ka qaaday Musuq maasuq ay sameesay Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumadii Ra'izul Wasaare Saacid.

Tarsan ayaa tilmaamay in uu jiray waxyaabo badan oo la musuq maasuqay inuu xilka hayay , waxa uuna tusaale usoo qaaday gaadiid Ampalaas Casri ah oo loogu deeqay Maamulka Gobolka Banaadir oo la musuq maasuqay meel ay ku dambeeeena ilaa hada aan la ogeyn.

''Waxaa Dhacday in Wasaaradii Arimaha Gudaha Xukuumadii Saacid ay nagala wareegto gaadiid Amplas casri ahaa , Markaan wareejinayay waxaa dhahay gaadiidka inta meel la iska dhigo ayey lugaha ka banjari doonaan ama waxa ay ku dhamaan doontaa in gaadiidka Ampalaasta inta kalarka laga badalo gaadiid caadi ah laga dhigto oo dad kale la siiyo, gaadiidkaas hada waa la waayay meel ay ilaa hada ku dambeeyaana ma naqaan '' ayuu yiri Gudoomiye Tarsan.

Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in gaadiidkan ay ahaayeen kuwa aysan xabadu karin ,waxa uuna intaa ku daray in ay ugu tala galeen in Degmooyinka Gobolka Banaadir loo qeybiyo si ay uga caawiyaan in lagu qaado dhaawacyada ama haweenka dhalaya.

Hadalka Tarsan ayaa imaanaya Xili Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya lagu eedeeyay in ay sameeyaan musuq maasuq baahasan oo la xariira in la dhaco hantida qaran iyo sidoo kale in meelo kale loo leexiyo gar gaar iyo waxyaabo kale oo dalka iyo dadka loogu tala galay.

Masuuliyiinta Dowlada ayaa inta badan looga bartay marka xilka laga qaado ama waqtigooda dhamaado in ay soo bandhigaan Musuq maasuq iyo qaladaad dhacay , halka ay ka aamusaan ka hadlida arintaasi inta ay xilka hayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada