Xaflada xilwareejinta Gobolka Banaadir oo kasocota Muqdisho

Xaflada xilwareejinta Gobolka Banaadir oo kasocota Muqdisho

daajis.com:-Magaalada Muqdisho waxa ka socda xilwareejinta xilka Gobolka banaadir iyo duqa Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya xaflada xil wareejinta Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Generaal Xasan Muungaab oo dhawaan Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud soo magacaabay. In Uu xilka qabto.

Waxaa goobta xilwareejinta ku sugan Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaaliya C/laahi Goodax Barre, iyo ku xigeenkiisa,Sidoo kale waxaa madasha  ku sugan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, saraakiisha ciidanka Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, gudomiyaha xilka lagu wareejinayo iyo dad weyna kaloo fara badan.

Hadalo kala duwan ayaa laga jeedinayaa munaasabada xilwareejinta Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Banaadir Generaal Muungaab.

Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa  hada jeedin hayo  khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka maamulkiisa intii uu xilka haye.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada