Ilaa 11-ruux oo lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal Caasimada Pakistan ee Islamabad

Ilaa 11-ruux oo lagu dilay weerar lagu qaaday maxkamad ku taal Caasimada Pakistan ee Islamabad

daajis.com:-Ilaa 11-ruux ayaa lagu dilay weerar saaka aroortii hore lagu qaaday maxkamad ku taal caasimada Pakistan ee Islamabad, markii dabley hubeysan ay gudaha u galeen xarunta Maxkamada.

Dableyda hubeysan ayaa gudaha u galay Maxkamada, iyagoo rasaas aan loo meel dayin furayay ka hor inta aanay is qarxin labo ruux oo jaakadaha qarxa xirnaa.

Garsoore Maxkamadeed iyo tiro garyaqaano maxkamadeed ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen weerarka, halka 24-kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Booliska Islamabad Sikandar Hayat ayaa sheegay in labo ka mid ah dableydii weerartay dhismaha Maxkamada ay is qarxiyeen markii ay hareereeyeen ciidamada booliska.

Isbitaalada ku yaal magaalada Islamabad ayaa xaalad heegan ah la geliyay, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Islamabad ayaa ah meelaha ugu ammaaanka fiican Pakistan, iyadoo si aad ah loo ilaaliyo, waxaana weerarkan uu ku soo aadayaa maalin kadib markii Ururka Taliban uu ku dhawaaqay xabad joojin bil ah.

Dowladda Pakistan ayaa iyana sheegtay inay joojineyso weerarada cirka ee ka dhanka ah Ururka Taliban, waxaana dhowrkii todobaad u socday wada hadalo nabadeed.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay weerarkan lagu qaaday magaalada Islamabad oo ah kii ugu dhimashada badnaa sanooyinkan.







_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada