Allaha u naxariisto Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec oo saakay ku geeriyooday dalka Jarmalka

Allaha u naxariisto Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec oo saakay ku geeriyooday dalka Jarmalka

daajis.com:-Allaha u naxariistee waxaa saakay Isbitaal ku yaal dalka Jarmalka ku geeriyooday Fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec oo loo yaqaanay Boqorka Codka, oo in muddo ah ku xanuunsayay.

Geerida Fanaanka waxaa saxaafada u xaqiijiyay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Mustafa Maxamed Suleymaan Rubeec, isagoo sheegay in mudadii uu isbitaalka ku jiray labo jeer qaliin lagu sameeyay.

Allaha u naxariistee Fanaanka ayaa ka xanuunsanayay dhinaca Sambabada, iyadoo dhowr jeer laga daweyay xanuunkaas sida ay xaqiijiyeen eheladiisa.

Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa ka mid ahaa fanaaniinti loogu jeclaa dalka Soomaaliya, waxaa lagu xasuustaa heeso wadani iyo kuwa kale oo uu xiliyo kala duwan ku luuqeeyay, waxaana uu ahaa nin magac iyo maamuus ku dhex lahaa umada Soomaaliyeed.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada