M/wayne Gaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti"SAWIRR"

M/wayne Gaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti"SAWIRR"

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa lagu soo dhoweeyey caasimadda jabuuti ee dalka Jabuuti, waxaana garoonka jabuuti kusoo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dwoladda jabuuti. 

Madaxweyne Gaas ayaa casumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee Jabuti, wuxuuna la kulmi doonaa Madaxweynaha Jabuti Ismacil Cumar Gelle,Ra’iisal wasaaraha Jabuti Abdul-qadir Kaamil Max’ed iyo sidoo kale golaha wasiirada jabuti, waxayna ka wada hadli doonaan arimaha dhaqaalaha, xiriirka labada dhinac, amaanka iyo arrimo kale oo fara badan.

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Gelle waxaa ay isku arki doonaan aqalka madaxtooyada Jabuti, halkaasi oo ay ku yeelan doonaan kulan waqti badan qaadanaya, iyagoo ka wada hadlaya arrimo ay ugu muhiimsan tahay adkaynta xiriirka labada dhinac.

Madaxweyne Cabdi-weli waxa uu sii joogi doonaa dalka jabuti maalmaha soo socda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ganacsiga dalkaasi oo ay ugu horraysay Rugta Ganacsiga Jabuuti, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya ganacsatada jabuti iyo Puntland.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada