Bayern Munich Oo Xaqiijisatay Booskeeda Wareega 8da Inkastoo Ay Barbaro La Galeen Arsenal Lugtii Labaad.

Bayern Munich Oo Xaqiijisatay Booskeeda Wareega 8da Inkastoo Ay Barbaro La Galeen Arsenal Lugtii Labaad.

daajis.com:-Bayern Munich ayaa iska xaadirisay wareega 8da Champions League ka dib markii ay sannadkii labaad oo isku xiga wareega 16ka ku reebeen kooxda Arsenal inkastoo lugtii labaad ee wareega 16ka ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah islamarkaana Bayern ay iska qasaarisay rigoore loo dhigay, taasoo ka dhigan inay ku badiyeen wadar ahaan labada lug 3-1.

Qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah iyadoo sida la filayay Bayern Munich ay kubada inteeda badan iska heysatay islamarkaana ay weeraro joogta ah ku qaadeysay goolka Arsenal ee uu waardiyaha ka ahaa Fabianski.
Arsenal ayaa iyadana dhankeeda isku dayday inay xadido weerarada Bayern Munich intii karaankooda ka hor inta aan lagu kala nasasin barbaro 0-0 ah.
Arsene Wenger ayaa bilowgii qeybta labaad bedelay Mesut Ozil isagoo ku bedelay Tomas Rosicky, xiddiga Jarmalka ayaana loo bedelay dhaawac yar oo soo gaaray qeybtii hore.
Daqiiqadii 54aad ee ciyaarta ayaana ugu danbeyn ay Bayern Munich hogaanka u qabatay ciyaarta ka dib markii Bastian Schweinsteiger uu ku guuleysatay inuu kubada cusjiyo shabaqa iyadoo kubada uu ka soo shaqeeyay Franck Ribery oo ka soo xarooday dhanka bidix.

Labo daqiiqo ka dib Arsenal ayaa jawaab ka bixisay iyadoo Podolski uu kubad ka qaatay Lahm islamarkaana si awood leh ku dabamariyay goolhaye Neuer inkastoo Lahm uu ku dooday in lakala tuuray ka hor inta uusan Podolski kubada qaadanin laakiin garsooraha ay tilmaamay in ciyaarta socoto taaso u samaxday in Podolski uu goolka dhaliyo.
Daqiiqadii 90aad ee ciyaarta ayaana Bayern Munich loo dhigay rigoore markii Robben dhulka la dhigay xerada goolka dhexdeeda, waxaana rigoorada u soo istaagay Thomas Muller laakiin waxaa ka badbaadiyay goolhaye Fabianski iyadoo kubada ay dhaafi weysay xariiqda goosha.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah, iyadoo Bayern Munich ay u soo baxday wareega 8da madaama ay wadar ahaan labada lug ku badiyeen natiijo 3-1 ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada