Atletico Madrid Oo Xasuuqdey AC Milan U Soo Baxday Wareega 8da Ee Champions League.

Atletico Madrid Oo Xasuuqdey AC Milan U Soo Baxday Wareega 8da Ee Champions League.

daajis.com:-Atletico Madrid ayaa iska xaadirisay wareega 8da Champions League ka dib markii ay wareega 16ka ku reebeen kooxda 7da jeer hanatay koobkaan ee AC Milan iyagoo lugtii labaad ee wareega 16ka kaga badiyay 4-1 ciyaartii ka dhacday Vicente Calderon taasoo ka dhigtay in wadar ahaan labada lug ay Atleti ku badisay 5-1.

Atletico Madrid ayay ku qaadatay inay hogaanka u qabato ciyaarta kaliya seddex daqiiqo markii weeraryahankooda Diego Costa uu shabaqa ku taabtay karoos cajiib ah oo uu soo dhigay Koke, iyadoo Abbiati uu heli waayay wax fursad ah.
Diego Costa ayaa goolka ku dhaliyay 158 ilbiriqsi oo ay ciyaarta socotay waana goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ee ay Atleti ka dhaliso Champions League abid. Diego Costa ayaana haatan ah xiddiga ugu goolasha badan Atletico koobkaan Champions League isagoo dhaliyay goolkiisii 6aad waxaana uu rikoorkaas kala wareegay Aguero oo 5 gool oo Champions League hore ugu soo dhaliyay kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga.
Milan ayaana ciyaarta ku soo laabatay daqiiqadii 27aad markii Kaka uu gool madax ugu dhaliyay, taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah iyadoo kubada ay ku dhacday Juafran ka hor inta aysan dabamarin goolhaye Courtios.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaana u muuqatay mid ku dhamaaneysa barbaro goolal la’aan ah iyadoo Milan ay kubada heysatay 15kii daqiiqo ee ugu danbeysay qeybtii hore, laakiin kubad uusan filaneynin Arda Turan oo oo qof ku dhacday ayaa shabaqa gashay daqiiqadii 40aad waxaana ay keentay in lagu kala nasto 2-1 oo ay Atletico Madrid hogaanka ku heysay.
Daqiiqadii 49aad ayay Atletico Madrid ku dhawaatay inay hogaanka sii dheereysato iyadoo kubad counter attack aheyd oo uu Diego Costa u dhigay Gabbi ay keentay inay birta ku dhacdo.
Atletico Madrid ayaana heshay goolkii seddexaad daqiiqadii 70aad ee ciyaarta markii Raul Garcia uu madax ku dhaliyay laad xor ah oo la soo tuuray taasoo ciyaarta ka dhigtay 3-1.

Robinho ayaana kubad uu u soo dhigay Kaka ay birta kaga dhacday taasoo nasiibdarro ku noqotay iyagoo damacsanaa inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan goolkii seddexaad ee Atleti.
Deigo Costa ayaana ciyaarta hurdo u diray isagoo dhaliyay goolkii afaraad ee Atletico Madrid daqiiqadii 85aad ee ciyaarta, taasoo ka dhigeysa goolkiisii 29aad ee xilli ciyaareedkan uu u dhaliyo Atletico Madrid iyo goolkiisii 7aad ee Champions League ee uu u dhaliyo Atletico.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaaty 4-1 oo ay ku badisay Atletico Madrid iyagoo wareega 8da ku soo baxay wadar ahaan 5-1 oo ay ku reebeen kooxda AC Milan oo aheyd kooxdii ugu danbeysay ee Talyaani ah ee ku hartay Champions League.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada