Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo la sheegay in ay dileen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamo uu watay

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo la sheegay in ay dileen Sarkaal ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamo uu watay

daajis.com:-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dilay sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab degaan ka tirsan duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cali Dhagey iyo 6 ka tirsan Ilaaladiisa ayaa la sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay ku dileen Degaan lagu magacaabo Daba-gadir oo 25km ka baxsan magaalada Xudur ee gobolka Bakool habeen hore.

Taliyaha Ciidamada dowlada Guutada 60-aad oo la hadlay Idaacadda SKY FM ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay toogteen Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u joogay Gobolka Bakool.


Waxuu Taliyaha sidoo kale sheegay in dilka Sarkaalkan ay fududeeyeen rag ay ku dhex leeyihiin Ururka Al Shabaab, wuxuuna intaa ku daray in ciidamada dowlada ay la soo wareegeen lacag 30 milyan shso ah oo sarkaalkan uu watay.

Cali Dhagey oo ah Madaxii ciidamada amniyaadka ee Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa la sheegay inuu ku gowracay Wadaad Caan ahaa 19-kii Bisha Maarso ee Sanadkii 2013 Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Illaa hadda ma Ma jiro hadal ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan dilka loogu geystay duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool sarkalkan iyaga ka tirsanaa.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada