Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in ay Xog ka heesay Weerarkii Al-Shabaab ka geesteen Degmada Buulo Burde

Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in ay Xog ka heesay Weerarkii Al-Shabaab ka geesteen Degmada Buulo Burde

daajis.com:-Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Sirdoonka Ciidanka Dowlada uu aad u heer sareeyo ayna ka warqabanaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab wadaan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Sirdoonka Al-Shabaab leeyihiin ay ka shaqo wanaagsan yihiin kuwa Dowlada Soomaaliya marar badana ay fashiliyeen Weeraro iyo dhibaatooyin kae ay maleegayeen Al-Shabaab sida uu tilmaamay.

Cabdulaahi Goodax Barre Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa xusay in Sirdoonka Dowlada Soomaaliya ay ka warhayeen Weerarkii dadka badan ku dhinteen ee maalmo kahor ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ,.

‘’Sirdoonka Al-Shabaab kuweena ayaa ka shaqo wanaagsan , waxaan kuu sheegayaa in Weerarkii ka dhacay Degmada Buulo Burde ciidanku ka warhayeen ayna ka hor tageen gaariga is qarxiyay , Gaariga qarxay ciidanka ayaa fashiliyaywax dhibaato ah ma geesan ,dhibaatada waxa ay ka dhalatay Weerar ay Shabaab ku qaadeen Hotelka’’ ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha.

Dad badan ayaa isweediinaya hadii Sirdoonka Dowlada Soomaaliya ka warhayeen weerarkii Ciidamada tirada badan ku dhinteen ee ka dhacay Hotelka Camalow ee Degmada Buulo Burde sababta looga hortagi waayay oo loo fashilin waayay kahor inta uusan weerarku dhicin.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada