Daawo:- Lamaane Ninku uusan laheyn Gacmo gabadhuna laheyn Lugo oo is guursaday Kuna Nool Farxad

Daawo:- Lamaane Ninku uusan laheyn Gacmo gabadhuna laheyn Lugo oo is guursaday Kuna Nool Farxad

daajis.com:-Warbaahinta Caalamka ayaa Qaarkood soo bandhigay Dhacdo Cajiib ah dad badana ay la yaabeen kadib markii ay is guursadeen lamaane Curyaan ah kuwaa oo al sheegay in Noloshada ay ku qanacsanyihiin farxadna isku heestaan.

Lamaanahan sida aad Sawirada ku arki Doontaan Magacoodana aan la baahin ayaa Ninka waxa uu yahay nin aan Gacmo laheyn oo ka go’an labada Gacmood halka gacalisadiisa iyana tahay Gabar Curyaan ah oon laheyn labada  Lugood. 


Aduunyadu waa cajiib waxaadna arkaysaa Mararka qaar dhacdooyin kaa yaabiya marna ku farxad galiya ,hadana Jaceylku waa wax jira oo saameeya Qof walbo oo Noolo ah sida aad aragtaana lamaanahan waa kuwa Noloshooda Farxad ku heesta Jaceylna iskula jooga. 



Ninkan aan Gacmaha laheyn ayaa hadana awooda in gacalisadiisa uu Lugihiisa Cuntada ugu kariyo ,dharka ugu dhaqo uguna feereeyo sidoo kale howlaha kale ee guriga looga baahan yahay uu ugu qabto waxoo kale uu ugu qoraa lugaha qoraalada. 



Dad badan oo Lixaadkooda heesta misna isla nool ayaa inta badan iskula joogin Jaceyl iyo tixgalin iyo in ay iscaawiyaan ,hasa ahaatee markii ay arkaan lamanahan sida cajiibka ah isku saacidaya iyaga oon dhameyn lixaaakooda ayaa laha yaabaa in ay wax ku qaataan oo isbadal ku sameeyaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada