Daawo Sawirada:- Fadeexo Ku Habsatay Uefa..Isku Aadkii Maanta Oo La Ogaa 2 Maalin Ka Hor.

Daawo Sawirada:- Fadeexo Ku Habsatay Uefa..Isku Aadkii Maanta Oo La Ogaa 2 Maalin Ka Hor.

daajis.com:-Qof ka tirsan howl wadeenada Xiriirka kubada cagta yurub ee Uefa ayaa shaaciyay isku aadka wareega 8da Champions League laba maalin ka hor isagoo ku cadeeyay Boggiisa Twitter-ka in ay jirto wax is daba maris.

Qofkaan ayaa la sheegay inuu dhalasho ahaan ka soo jeedo Spain  wuxuuna wacad ku maray inuu aduun waynaha tusi doono in aan si cadaalad ah loo samayn isku aadka Champions League wareeg kasta oo uu ahaadaba.
Qof kaan ayaa soo qoray 19 kii March oo ku beegneed arbacadii aan kasoo gudubnay “Waxaan rabaa inaan dadka u cadeeyo in isku aadka uusan ahayn cadaalad, waa mid sidii la rabo loo sameeyo, waxaana jeclahay inaan hada soo ban dhigo”.
“waxaan doonayaa inaan soo afjaro maamulka fasaadka ku dhex wada xiriirka kubada cagta yurub kaas oo uu hogaanka u haayo  Michel Platini isagoo u sameeya isku aadka qaab ku haboon dhaqaalihiisa iyo siyaasadiisa”.
“Arintaan waxaan u faafinaa si bilaash ah, maadaama aan ahay shaqaale ka tirsan Uefa waxaan ku qasbanahay inaan qariyo magacayga”.
Isku aadkii maanta lasamayay iyo isku aad kii uu soo bandhigay qofkaan ayaa noqday mid hal ah, hadalka qofkaan ayaana u muuqda mid sax ah marka lafiiriyo sida loo kala ilaaliyay kooxaha qaar isku aad kii maanta iyadoo loo moodo in la qorsheeyay kooxaha soo gaari doona Semi Final iyo Final-ka Champions League.
Hadaba halkaan hoose ka arag isku aad kii la shaaciyay arbacadii waxaadna ku arki doontaa 19 March taas oo xaqiiq ka sii dhigaysa warka qof kaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada