Ciidamada Itoobiya oo la sheegay inay ka guureen fariisin ay ku lahaayeen duleedka Beledweyn

Ciidamada Itoobiya oo la sheegay inay ka guureen fariisin ay ku lahaayeen duleedka Beledweyn

daajis.com:-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday AMISOM ay ka guureen fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Janta Kundishe, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan halka ay rasmi ahaan aadeen ciidamada.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan Itoobiyaanka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa aaday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan dhinaca degmada Maxaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay damiyeen Isgaarsiinta deegaano ka tirsan degmada Matabaan, sidoo kale waxay warar kale ay iyana sheegayaan inay aadeen dhanka Kala Beyrka oo qiyaastii magaalada Beledweyn u jirta 25-KM.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa maalmihii u dambeeyay ka jiray Gobolka Hiiraan, kaasoo ku wajahnaa deegaanada gobolkaas kaga sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana todobaadkii hore ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti qabsadeen degmada Buulo Burde.

Ciidamada Itoobiya ee ku baxay dhinaca bari magaalada Beledweyn, gaar ahaan wadada laamiga ee aada Buulo Burde todobaadkii hore ayaa laga war heyn xaalkooda, waxaana ciidamadaas ku baxay jidkaas iyo kuwii dhanka galbeed qaaday ee maray deegaanka Buq Aqable balantu aheyn inay isugu yimaadaan Buulo Burde, hase ahaatee Ciidamada Itoobiya ayaan gaarin meelihii laga sugayay ama deegaano u dhow Buulo Burde.

Dhinaca kale Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Buulo Burde ayaa ka xiran wadooyinka, iyadoo aanay u furneyn wado u soo marta sahaydooda iyo saanadooda, balse diyaarad kaliya ay u tagi karto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada