Meydadka lix ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo maanta laga dhoofiyay magaalada Muqdisho

Meydadka lix ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo maanta laga dhoofiyay magaalada Muqdisho

daajis.com:-Meydadka lix ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo loo duuliyay dalkooda, si loogu aaso.

Askartan ayaa ku geeriyootay weerar labo cisho ka hor ka dhacay Buulo Burde oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada wada jirka, waana tiradii ugu badneyd ee Ciidamo Jabuutiyaan ku dhimata dagaalada, tan iyo markii Ciidamada Jabuuti ku soo biireen howl galka AMISOM dhamaadkii sanadkii 2011-dii.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Saalax Annadif ayaa ku ammaanay Ciidamada Jabuuti doorkooda ku aadan howl galada, isagoo cadeeyay inay sii wadayaan ka qeyb qaadashada sidii Soomaaliya nabad looga dhalin lahaa.

Danjire Annadif ayaa yiri " Ciidamada Jabuuti waxay kaalin weyn ka qaateen howl galada lagula jiro Al-Shabaab, waxay naftooda u hureen in alshabaab laga saaro deegaanada ay ku sugan yihiin Soomaaliya, howl galada waxay ku bilowdee si guulo ah"

Wakiilka Midowga Afrika Danjire Annadif iyo Taliyaha guud ee Ciidamada Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa si wada jir ah u sagootiyay meydadka Ciidamada Jabuuti ee loo duuliyay dalkooda.

Taliyaha Ciidamada Jabuuti Jen. Zakariye ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay sii wadeyso dadaalada loogu jiro nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, isla markaana in askarta uga geeriyootay dagaaladii u dambeeyay aanay ku qasbi doonin in ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya.

Ilaa sagaal askari ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Jabuuti uga dhimatay tan iyo markii ay bilowdeen howl galada ka dhanka ah Shabaab ee looga saarayo deegaanada ay ku sugan yihiin ee gobolada dalka, iyadoo Ciidamada Jabuuti markii u horeysay ay ka soo dhaqaaqeen Beledweyn todobaadkii hore.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ayaa todobaadkii la soo dhaafay la wareegay magaalada Buulo Burde, inkastoo labo cisho ka hor weerar is qarxin iyo mid toos ah xilli saq dhexe lagu qaaday hotel ay degenaayeen saraakiisha ciidamada hogaamineysay, kaasoo sababay dhimasho fara badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada