Wasiiro ka tirsan Somaliland oo ka mid ahaa Kolonyo Madaxweynaha la socday oo shil gaari ku dhaawacmay

Wasiiro ka tirsan Somaliland oo ka mid ahaa Kolonyo Madaxweynaha la socday oo shil gaari ku dhaawacmay

daajis.com:-Labo wasiir oo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa saakay ku dhaawacmay shil gaar oo ka dhacay inta u dhaxeysa Ber-bera iyo Sheekh, kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ka mid ahaa kolonyo la socotay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Wasiirka Warfaaafinta C/llaahi Maxamed Dahir Cukuse iyo Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye ayaa ku dhaawacmay shilka, waxaana ku dhintay Mid ka mid ah madax dhaqameedyada caanka ka ah Somaliland Caaqil Cabdi Maxamed Cigaal.

C/llaahi Maxamed Dahir Cukuse ayaa sheegay inuu isaga ka jabay gacanta midig, halka Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye ay soo gaareen dhaawac, isla markaana xaaladooda ay wanaagsan tahay.

Madaxweynaha Somaliland oo 10-kii maalmood ee u dambeeyay booqasho ku marayay gobolada Somaliland ayaa saakay ka soo kicitimay magaalada Burco, isagoo dib ugu laabtay magaalada Hargeysa.

Wadooyinka deegaanada Somaliland oo ah kuwo bur bursan ayaa sababa shilal gaari oo ka dhasha dhimasho iyo dhaawac, iyadoo horay wadada aada Berbera ay gawaari mas'uuliyiin la socdeen shil ku galeen, waxaana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada