daajis.com:-Dad
badan ayaa isku taxluujiya in ay kasbaaan qalbiga qofka ay jacel yihiin
iyagoo aan eegin marxaladaha ku haboon ee qofka lagu tashkiilin karo
ama lagu soo jiidin karo, waxayna la kulmaam inta badan guul daro
waxaana ugu wacan xiliyada ay soo gudbinayaan dareenkooda jaceyl oo aan
munaasab aheen, hadaba maanta waxaan idiin wadnaa qababaka ugu sahlan
aad qof ku ugu beeri karto jaceyl
1. Waco (call) qofka xiligi uu seexan rabo
Isku day in aad noqoto qofka ugu dambeeya ee la hadla qofka aad
dooneesid, bini aadamka ayaa ka siman in xiliga hurdada ka hor uu qofka
qalbigiisa fikiro wuxuuna ka fikiraa hadaladii ugu dambeeyay ee idin
dhexmaray, qofka ayaa bilaaba in uu fikiro, fikirka badan ayaa marka
dambe isku badla saameen jaceyl, waana wax la hubo in aad kasban doonta
qalbiga qofka, ku dadaal in aad noqoto qofka ugu dambeeyay ee la hadla.
2. Xiliga firaaqada (fasaxa)
Ha isku dayin in aad la kulanto qofka aad dooneeso meel buuq badan ama
dadka ku badan yihiin, isku day in aad qofka kula kulanto meel cidla ama
jawi dagan labadiina idiin saamaxayo in aad is dhaafsataan aragti,
jawiga cidlada ah wuxuu ka qeeb qaadanayaa in aad qofka qalbigiisa
gaarsiiso dareenkaaga, halka jawiga buuqa sita uu kaa nusqaamin doono
in aad gudbiso dareenkaaga.
3. Habaran marka hore asxaabtiisa ama asxaabteeda
Markii aad dooneeso in aad qof barato ha isku murjin in aad barato marka
hore qofka aad dooneeso asxaabtiisa, waxaa ka imaan kara shaki ama in
uu qofka ka baqo wixii idin dhex maray in uu ogaado asxaabtiisa, ha ku
dag dagin barashada asxaabtiisa iska sugo ilaa iyada ama isaga uu ku
baro, barashada ayaa noqoto caqbad iyo in xitaa isaga oo ku raba laga
yaabee in uu ka cabsi qabo mid kamid ah asxaabtiisa in uu ogaado waxa
idin dhex maray.
4. Ugurmo xiliyada dhibaatada jirta
Isku day in aad noqoto qof la garab taagan hiil iyo hoo, xiliyada ay
jiraan murugada iyo dhibaatooyinka, tusi in uu cidlo aheen, qofka loo
gurmada ayaa ku fikiraya wanaaga aad sameesay taas markii dambe aad ka
heli doontid qalbi jilicsanaan iyo aragti dagan taas oo marka dambe
suurta gal ka dhigta in uu jeceylkaag noqdo meel mar.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at