Shukaansiga kuugu horeeyo haka hadlin arimahaan"waa ogeeysiis"

Shukaansiga kuugu horeeyo haka hadlin arimahaan"waa ogeeysiis"

daajis.com:-Shukaansigaaga koowaad ayaa noqon kara mid burburiya qeebaha xiga ee shukaansigaaga, si uusan u burburin xiriirkaaga cusub waxaa la gudboon wiilka ama gabadha in ay ka hadlin arimo badan oo ku haboon in laga hadlo xiliyo kale aan munaasab ama ku habooneen kulanka 1aad.

1. Haka Hadlin Xiriirkaagii Hore (saaxiibkaa ama saaxiibtaa hore)

Ka hadalka qofka aad xiriirka la lahaan jirtay munaasab kuma ah in aad soo qaado kulanka 1aad, sababtoo ah qofka aad markaas la hadleeso isla markii maskaxdiisa ayaa soo qabaneeso qofka aad ka hadli jirtay isaga oo ka fikir ama umaleeya in uu ahaa xiriirkiina mid sareeyay, wuxuuna u arkaa qofka aad ka hadleeso xitaa hadii aad kala hartaan aadna goobta kusoo qaaday sheegistiis waxaa suurta gal ah in uu iska dhaadhiciyo in noloshaada saameen uu wali kuleeyahay qofka aad ka hadashay.

2. In aadan Si xad dhaaf isku amaanin

Si kasta aad magac iyo sumcad u leedahay ma hooboona kulanka 1aad in aad si xad kabax u faanto waayo qofka aad la hadleeso wuxuu iska dhaadhicinayaa in uu bartay qof faan badan, dadka faana badanaa waa kuwa laga shakiyo ama loo qaato in uu qofk uu la hadlaayo iska cadow jabiyo taasne waxay kaa burburin kartaa in kulanka xiga oo kaa khasaaro taana waxaa ugu wacan adiga oo afkaaga isku dilay.

3. Arimahaaga kuwa adiga kuu gaarka ah (Sirtaada)

Laga yaabee in aad kala hadasho arimahaaga adiga kuu gaarka adiga oo isku daya in uu kuu arko qofkaan in aad tahay daacad balse qofka aad markaas la hadleeso wuxuu kuu arkaa in uu bartay qof aan waxba qarsan karin, wuxuuna kaala baqaa in uu warar hoose kuugu aamino, marka ma habooni in aad kala hadasho waayo waxay caqabad ku tahay kulamadaada xiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada