Crystal Palace:- Oo Caawisay Iney ka Badiso Chelsea Gool Uu Iska Dhaliyay Kabtan John Terry Taasoo Dhabar Jab Ukeena Doonta.ci

Crystal Palace:- Oo Caawisay Iney ka Badiso Chelsea Gool Uu Iska Dhaliyay Kabtan John Terry Taasoo Dhabar Jab Ukeena Doonta.ci

daajis.com:-Gool uu qeybtii labaad iska dhaliyay kabtan John Terry ayaa keentay in Chelsea ay guuldarro 1-0 ka soo gaarto Crystal Palace taasoo wax weyn u dhimeysa tartankooda horyaalka Premier League.

Chelsea ayaa labo bedel ku sameysay kooxdeeda, iyadoo Frank Lampard iyo Fernando Torres ay bedeleen Oscar iyo Samuel Eto’o. Crystal Palace waxa ay ku soo gashay koox la mid ah tii ay isbuucii hore ku garaaceen Newcastle.
Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah laakiin sidoo kalena waxa ay aheyd mid madadaalo leh, iyadoo Andre Schurrle uu abuuray fursadii ugu horeysay ee ciyaarta.
Halka Pechoen uu isna fursado u helay kooxda martida loo ahaa laakiin kama aysan faa’ideysan, waxaana intaasi sii dheere rigoore ay ku andacootay Crystal Palace laakiin garsooraha mudnaan ma uusan siinin.
Todoba daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta Chelsea ayaa gool looga naxsaday, waxaana uu ahaa gool ay iyaga iska dhaliyeen iyadoo John Terry uu madax kubad isaga dhaliyay ka dib cadaadis uu kala kulmay Joe Ledley.
Daqiiqadii 54aad Hazard ayaa u dhawaaday inuu u barbareeyo Chelsea laakiin kubadii uu goolka ku tuuray waxaa banaanka kaga bixiyay goolhaye Speroni.
Daqiiqadii 62aad Palace ayaa u dhawaatay inay dhaliyaan goolkii labaad ee ciyaarta iyadoo Jerome uu kubad u dhigay Puncheon kaasoo isna darbadiiba hareermariyay goolka. Daqiiqadii ku xigtay Terry ayaa ku dhawaaday inuu soo gudo goolkii uu iska dhaliyay isagoo madax ku dhalin gaaray kubad laad xor ah oo ka timid Oscar.

Goolhaye Speroni ayaa daqiiqadii 73aad fursad kale oo gool loo fishay si fantastik ah uga badbaadiyay Eden Hazard.
Jerome ayaa daqiiqadii ku xigtay ka faa’ideystay kubad counter-attack aheyd isagoo la dul tagay goolhaye Cech laakiin darbadiisa waxaa soo beenisay birta.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo Chelsea looga badiyay iyadoo guuldaradan ay wax weyn u dhimeyso tartankooda horyaalka Premier Legaue.
Chelsea ayaa haatan hogaanka ku heysa 69 dhibcood, laakiin hogaanka waxa ay u waayi karaan Man City haddii ay ka badiso Arsenal ama haddii Liverpool ay berri ka badiso Tottenham.
Man City ayaana caawa la ciyaareysa Arsenal, iyadoo marka laga reebo kulanka caawa ay u sii harsan tahay labo kulan kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada