Rigoore Uu Dhaliyay Lionel Messi Oo La Degtay 10 Ciyaaryahan Oo Espanyol Ah.

Rigoore Uu Dhaliyay Lionel Messi Oo La Degtay 10 Ciyaaryahan Oo Espanyol Ah.

daajis.com:-Gool rigoore ah uu dhaliyay Lionel Messi qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa ugu filnaa inay 1-0 kaga talaabsadaan kooxda deriskooda Espanyol oo ciyaarta 10 ciyaaryahan ku dhameysatay iyagoo hogaanka La Liga ugu yaraan si ku meel gaar ah ku qabtay.

Tababare Tata Martino ayaa isbedel ku sameeyay kooxdiisa iyadoo Pinto uu bedelay goolhaye Valdes oo dhaawac ku maqnaanaya inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, halka Xavi uu ku soo laabtay line-upka si la mid ah Alves iyo Pedro.
Messi ayaa fursadii ugu horeysay ee ciyaarta helay isagoo ka baxsaday dabinta offside-ka islamarkaana madax fursad ku helay goolka, laakiin kubadiisa madaxa aheyd waxa ay dulmartay goolka dushiisa.
Ciyaarta ayaana aheyd mid isku dheelitiran iyadoo Pizzi uu isna fursad loo soo dhigay ka qasaariyay kooxda martida loo ahaa ee Espanyol.
Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah, iyadoo labada dhinacba aysan u suurtogelin inay shaqaba soo taabtaan.
Qeybtii labaad daqiiqadii 74aad Gerard Pique ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Barcelona laakiin darbadiisa goolka waxaa soo beenisay birta.

Barcelona ayaana rigoore loo dhigay daqiiqadii 75aad ka dib markii Javi Lopez laga dhigay kubad uu gacanta ku taabtay, Messi ayaana u soo istaagay rigoorada kaasoo isna gool u sarifay islamarkaana hogaanka u dhiibay Barcelona.
Neymar ayaa ku dhawaaday inuu u labeeyo Barcelona laakiin dadaalkiisa waxaa hal gacan ku bixiyay goolhaye Casilla.
Goolhaye Casilla ayaana casaan toos ah la siiyay daqiiqadii 83aad ka dib markii uu banaanka uga soo baxay xerada ganaaxa islamarkaana uu kubad gacanta kaga celiyay Lionel Messi. Waxaana ay ku soo aaday waqti Espanyol ay wada isticmaashay seddexdeeda bedel taasoo keentay in Javi Lopez uu goolka galo.
Javi Lopez ayaana fursad halis aheyd ka badbaadiyay Iniesta daqiiqadii 89aad ee ciyaarta.  Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Barcelona kaga badisay deriskooda Espanyol.
Guushaan ay gaartay Barcelona ayaa ka dhigan inay hogaanka horyaalka ku qabtaan 75 dhibcood iyagoo labo dhibcood ka sareeya kooxda Atletico Madrid oo hogaanka ku soo laaban karta haddii ay badiso caawa kulanka ay leeyihiin Athletic Bilbao.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada