DAAWO SAWIRADA:- Aktarada ku guuleysatay abaalmarinta Oscarka Lupita oo lala xiriirinayo heesaaga Keynaan.

DAAWO SAWIRADA:- Aktarada ku guuleysatay abaalmarinta Oscarka Lupita oo lala xiriirinayo heesaaga Keynaan.

daajis.com:-Aktarada ku guuleysatay sanadkan abaalmarinta loo yaqaan Oscarka ayaa xiriir la leh heesaaga Soomaaliyeed ee Keynaan balse waxaa hore loo haystay inay gabadhan ay xiriir wanaagsan la leedahay Mars rocker.

Lupita ayaa la arkay iyadoo gacanta uga dhagan heesaaga Keynaan Cabdi Warsame markii ay ka soo baxday xafladii abaalmarinta lagu siiyay horaantii bishan. 

Waxayna arrintan sare u sii qaaday warar la isla dhex marayay ee ahaa in labada fanaan uu xiriir ka dhexeeyo.

Sida sawirada ka muuqda Lupita ayaa ku aamintay abaalmarinta qaaliga ah ee ay ku guuleysatay Keinan Abdi Warsame.

Keynaan oo 36 jir ah ayaa taageerayay aktarada habeenadii ka horeysay ee lagu dhowaaqayay ku guuleysiga abaalmarinta kadib markii ay aktarada ka soo jeeda dalka Kenya Lupia ay ku guuleysatay abaalmarinta dunida ugu caansan ee la siiyo jilayaasha aflaamta.

Aktarada Lupita Nyong ayaa ah gabar Kenyan ah balse haysata dhalashada Mexico waxayna aktaradan ka soo jeeda qoys caan ka ah dalka Kenya.

Si dhab ah looma oga xaqiiqda in xiriir wanaagsan uu ka dhexeeyo aktarkan Soomaaliga ah iyo Atariishadan reer Kenya balse waxaa shaashada caalamka ay aad u hadal haysay toddobaadyadii la soo dhaafay heerka ay gaareen jilayaasha ka soo jeeda bariga Afrika iyadoo aktarkii filimkii burcad badeeda ee Soomaaliga Barkhad Cabdi oo noqday mid si weyn looga amaano Hollywood. 








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada