El Clasico: Barcelona oo garaacday Real Madrid, xilli Messi uu rikoor cusub dhigay markii uu saddexleey dhaliyey + Sawirro

El Clasico: Barcelona oo garaacday Real Madrid, xilli Messi uu rikoor cusub dhigay markii uu saddexleey dhaliyey + Sawirro

daajis.com:-Kooxda Barcelona ayaa Real Madrid kaga adkaatay gurigeeda Bernabeu, ciyaartii El Clasico oo ku dhammaatay 4-3, iyadoo uu rikoor cusub dhigay Lionel Messi kaddib markii uu dhaliyey goolasha saddexleeyda.

Goolka waxaa la horreysay kooxda martida ahayd ee Barcelona, waxaana ay ku qaadatay kaliya todoba daqiiqo inay hoggaanka u qabtaan ciyaarta, markii darbo xooggan uu shaqaba dhigay Andrés Iniesta, kaddib baas cajiib ah oo uu ka helay Lionel Messi.

Real Madrid ayaa goolkaas iska soo gudday markii uu shabaqa tagay Karim Benzema oo madax daba mariyey goolhayaha Barca, kaddib karoos qurux badan oo uu ka helay xiddiga caawa ciyaarta sida aadka ah uga dhexmuuqday ee  Angel Di Maria, ciyaarta ayaana noqotay barbaro 1-1.

Karim Benzema ayaa Real Madrid hoggaanka u dhiibay daqiiqadii 24-aad ee qeybtii hore, markii karoos kale oo uu ka helay Di Maria uu ku koontoroolay xerada ganaaxa islamarkaana uu shabaqa dhigay darbo xoogan.

Barcelona ayaa goolka barbaraha heshay dhammaadkii qeybtii hore ee ciyaarta daqiiqadii 42-aad, waxaana u dhaliyey Lionel Messi, goolkaas ayaana ka dhigay Messi xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kulmada El Clasico marka la isku geeyo dhammaan tartammada, ciyaarta ayaana lagu kala nastay qeybtii hore barbaro 2-2.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ayey labada dhinac la soo galeen weeraro deg deg waxaana hoggaanka la wareegay xiddigaaha Real Madrid kaddib rigoore uu u dhaliyey Cristiano Ronaldo daqiiqaddii 55-aad, markii uu diillinta ganaaxa dhexdeeda ku jillaafay Daniel Alves.

Lionel Messi ayaa goolkaas u barbareeyey mar kale Barcelona ciyaartana ka dhigay 3-3, waxaana uu ka dhaliyey Real Madrid rigoore lagu galay Neymar oo kaarka cas lagu siiyey Sergio Ramos oo ka tirsan Real Madrid daqiiqaddii 65-aad, waxaana goolkan uu Messi ku barbareeyey xiddigii hore ee Real Madrid Hugo Sánchez kaasoo ahaa xiddiga labaad ee ugu goolasha badan La Liga.

Lionel Messi ayaa hoggaanka u dhiibay Barcelona daqiiqadii 84-aad ee dhammaadkii ciyaarta markii uu dhaliyey goolasha saddexleyda loo yaqaan kaddib rigoore kale oo lagu galay Andrés Iniesta, waxaana uu dhigay Messi rikoor cusub isagoo noqday ciyaaryahanka labaad ee ugu goolasha badan taariikhda La Liga, ciyaartii ka dhacday garoonka Bernabeu ayaana ku soo dhammaatay 4-3 oo lagu dardaray Real Madrid.

Barcelona ayaa hadda sidaas ku leh 69-dhibcood inkastoo ay ku jirto booska saddexaad, haddana waxaa ka sarreeya Real Madrid iyo Atletico Madrid oo wadaa min 70-dhibcood.

Daawo Sawirrada:-
Daawo Sawirrada:-
17
18
19
20
21
22
23
24
1
2
3
4
5
6
7
8
9
10
11
12
13
14
15
16


source: goolfm

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada