Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka

daajis.com:-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulul uga hadlay dilki loo geystay odiyaasha dhaqanka duleedka Buur-hakaba.

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey falkii foosha xumaa ee lagu laayay odayaasha dhaqanka kuwaasoo lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay iyaga oo ku sii jeeday guryahoodii.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkani uu yahay mid aan sal iyo raad ku laheyn Diinta islaamka, dhaqanka Suuban iyo Bani’aadanimada, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen odayaashan.

“Waa fal aad u naxdin badan, waxaana geystay kooxo manaxayaal ah oo aan laheyn damiir islaanimo iyo mid Soomaali-nimo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo carabka ku adkeeyey in la dabageli doono dhagarqabayaashii falkan geystay, lana hor keeni doono Cadaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hogaamiyeyaasha dhaqanku waxay hormuud u yihiin nabadda iyo dib u heshiisiinta dalka, waana halbowlaha bulshada Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan dhagar qabayaasha dhiigooda baneystay”.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada