Khilaafka Somaliland & PL oo cirka isku sii shareraya

Khilaafka Somaliland & PL oo cirka isku sii shareraya

daajis.com:-Maamulka Somaliland, ayaa lagu soo waramayaa inuu ciidamo farabadan geeyay magaalada Baran ee Xaruunta Gobolka Sanaag, halkaasoo lahaanshaheeda uu isna sheegto maamulka Puntland.

Cabdiwali Xirsi Indhoguran oo la hadlay VOA ayaa sheegay inay ka xun yihiin ciidamadaan ka socda Somaliland ee soo gaaray qaybo ka mid ah magalada Baran ee xarunta Gobalka Sanaag wuxuna muujiyay inay tahay dhibaato hor leh.
”Gobaladda Sool iyo Sanaag Shirkii Somaliland lagu abuuray kama qayb galay laakiin Puntland way ka dhisteen Isimadooda oo dhan gobalka Sool 13-Isin buu lee yahay dhamaan way joogeen dhismihii Pl,sido kale Sanag PL bay wax ka dhisteen”wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay Somaliland inay sii wado dal balaarsi iyo kusoo duulid deegano aysan lahayn.
Dhanka kale wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa sheegay dhulka ay ciidanku tageen iyo magalada Laasqorayba inay ka wada tirsan yihiin mamulka Somaliland oo aan wax dhibaato ah lahayn.
Ciidankan Baran duleedkeeda tagay ayuu ku sheegay Buureed inuu yahay kuwo tababar soo dhamaystay oo dib ugu laabtay meeshii ay joogeen waa sida uu sheegay.
”Ciidankan la geeyay Baran ma ahan mid cusub waa ciidan horay saldhig ugu lahaa,annagu mar kasta wanaaga iyo inaan la isku xad gudbin baanu soo dhawaynaynaa,sida aad la socotaan juquraafiyan waa dhul Somaliland ka tirsan wayna jirtaa in Puntland ay dhinac ka sheegato”Wasiir Baaruud ayaa yiri.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya ciidankan inay qaarkood soo galeen magalada Baran balse aysan wax dhibaato ah ka samayn walow mamulka Gobalka Sanaag uusan wali arrintaasi ka hadlin.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada