Daawo Sawirada:- Dowlada Soomaaliya oo loogu deeqay lacag Dhan 40-Milyan oo Dollar

Daawo Sawirada:- Dowlada Soomaaliya oo loogu deeqay lacag Dhan 40-Milyan oo Dollar

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugan dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzo Abe.

Kulanka Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed, Wasiiradda Howlaha Guud Nadiifa Maxamed Cusmaan iyo mas’uuliyiin Dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Ka dib kulan labo dhinac ah oo ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya iyo xirriirka labada dal ayaa si wada-jir ah shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa ballan-qaaday in Dowladda Japan bixin doonto lacag dhan Afartan Milyan oo Dollar ah ($40 Million) “Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed sida Gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka,tayeynta ciidamada boliiska iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Japan sida loogu soo dhoweyay Japan iyo taageerada Dowladda Japan ay la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Ilaa sannadkii ugu dambeyey waxaa jiray mashaariic Dowladda Japan ku bixneysay Soomaaliya haddana sida uu ka dhawaajiyey Ra’iisul wasaaraha Japan ballan qaad ah inay sii kordhiyeen tageeradda Soomaaliya lana wajahayo muhiimadaha koowaad ee Dowladda Soomaaliya” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka codsaday Dowladda Japan in laga saacido Soomaaliya mashaariicda horumarinta dalka sida Technology-da, kaluumeysiga iyo dib-udhiska dalka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Japan ayaa hooygiisa oo ku yaala dhismaha Xafiiskiisa casho sharaf xalay ugu sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada