Cawed Cashara Oo Dareenka Dadka Soomaaliyeed Aad U Kiciyey Kadib Markii Uu Ka Hadlay Arimo Ka Jira GUdaha Dalka Somalia

Cawed Cashara Oo Dareenka Dadka Soomaaliyeed Aad U Kiciyey Kadib Markii Uu Ka Hadlay Arimo Ka Jira GUdaha Dalka Somalia

daajis.com:-Siyaasiga Cawed Axmed Cashara oo waraysi siiyey idaacada sky fm ee magaalada muqdisho isagoo ku sugan dalkaasi canada ayaa ka hadlay
xaalada guud ee dalku marayo iyo weliba sida ay dowlada f Somalia dagaalka u maamushay islamarkana sheegay dadka shacabka ee ku dhaqan deegaanada dagaaladu ay ka socdaan inay la kulmeen dhibaato barakac
iyo bur bur xoogan oo aysan jirin cid u gargaraysa

Cashara ayaa intaasi ku daray in masuuliyiinta dowlada federaalka Somalia
looga baahan yahay inay dhisaan ciidamadii soomaaliyeed islamarkaana ku dadaalaan sidii ay u hei lahaayeen mushaharkoodii balse ayuu yiri aan laysku halayn ciidamada amisom waa siduu hadalka u dhigaye

Sidoo kale siyaasiga cawed cashara ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka shacabka ah eek u sugan deegaanada ay dagaaladu ka socdaan isagoo
sheegay in kumanaan ay ka barakaceen gobolka bay iyo gedo

Mar la weydiiyey askarigii burundiga ahaa ee sheegay inaysan marnaba amisom raali ka ahayn in dagaalka u dhexeeya alshabaab iyo amisom uusoo afjarmo maadaama ay qaataan lacag aad u fara badan ayuu jawaabtiisii noqotay inuu oohin ka wareego islamarkaana qiiro geliyey dadka soomaaliyeed ee dhegaysanayey isagoo carabka ku dhuftay inay dhibaato tahay in lacag lagu soo urrsanayo balse aysan jirin cid raali ka ah in dowlad hana qaada dalka Somalia ka dhalato.

Gebagebadii waraysiga ayaa cawed axmed cashara uu ugu baaqay umada Soomaaliyeed inay qabiilka ka tagaan islamarkaana ka hor tagaan musuq
maasuqa iyo weliba djhibaatada ragaadisay dalkooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada