Wararkii ugu dambeeyay xaalada degmada Buulo Burde iyo Isgaarsiinta oo hawada ka maqan

Wararkii ugu dambeeyay xaalada degmada Buulo Burde iyo Isgaarsiinta oo hawada ka maqan

daajis.com:-Xaalad degenaansho ayaa ka jirta degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo shalay ay la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, waxaana socda howl galo baaritaano ah oo amniga lagu xaqiijinayo.

Isgaarsiinta degmada ayaa hawada ka maqan, taasoo lala xiriirinayo howl galo ka socda xaafadaha iyo xarumaha muhiimka Al-Shabaab ku lahaayeen degmada, hadii ay kaga tageen waxyaabaha qarxa.

Qof ku sugan degmada Buulo Burde oo ka mid ah dadka fara ku tiriska ee ku haray degmada oo aan la xiriirnay ka hor inta aan isgaarsiinta hawada laga saarin ayaa inoo sheegay in xaalada degmada tahay mid degan, isla markaana ciidamada ay dileen labo ruux oo looga shakiyay Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta oo shalay gelinkii dambe qabsaday ayaa fariisimo ka sameystay Buundada magaalada, Koontaroolka dhinaca waqooyi, garoonka diyaaradaha degmada oo l-aanu in muddo ah shaqeyno iyo saldhiga booliska.

Xoogagii Al-Shabaab ee isaga baxay degmada Buulo Burde ayaa kala aaday dhinaca Buurweyn, Jalalaqsi iyo degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo mudooyinkii u dambeeyay Al-Shabaab isugu uruureen.

Taliska AMISOM ayaa sheegay in tan iyo markii howl galka bilowday bishan ay Al-Shabaab ka qabsadeen lix magaalo oo muhiim ah, iyadoo inta badan Al-Shabaab isaga baxayeen degmooyinka laga qabsanayay.

Degmada Buulo Burde ayaa muhiim u aheyd Al-Shabaab, marka loo eego dhaqaale ahaan iyo milateri ahaan, degmada ayaa marin u aheyd gaadiidka isaga kala goosha gobolada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada