Shakiga dhimashada Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo cirka isku shareeray (Sababtu waa maxay?)

Shakiga dhimashada Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo cirka isku shareeray (Sababtu waa maxay?)

daajis.com:-Waxaa aad u sii xoogeeystay wararka sheegaya dhimashada Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ( Sheekh Cali Dheere) oo masuul u hadlay dowlada Kenya uu horay u sheegay inuu afhayeenka Al shabaab u geeriyooday dhaawac ay horay ugu geesteen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya .

Sargaalka lagu magacaabo Emmanuel Chirchir oo u dhashay dalka Kenya ayaa dhoor maalmood ka hor waxa uu shaaciyay dhimashada Sheekh Cali Dheere balse hada waxaa si toos ah u soo baxaya xogag cadeyn ah oo sheega-shadaan lagu rumeysan karo.

Dagaalyahanada ururka Al Shabaab waxaa dhoor jiho looga soo qaaday dagaalo kala duwan kuwaas oo gacantooda laga saaray magaalooyin caan ah oo in mudo ah ay xukumi jireen . Qaar ka mid ah magaalooyinkaan Xarakada Al Shabaab iyaga ayaa iskaga baxay ka hor inta aysan soo gaarin Taangiyada ciidamada huwanta.

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sida caadada ah marka Al Shabaab goob is tiraaji ah laga qabsado waxaa uu si deg deg ah ku oran jiray sidatan ” Mujaahidiinta ayaga ayaa magaalo hebel iskaga baxay waana xeelad Miltari oo cadawga lagu jabinayo ”

Hadaladaan iyo kuwo ka sii daran oo lagu kicin jiray Dagaalyahanada ururka Al shabaab waxaa mar kasta caan ku ahaa oo afkiisa laga hayaa Sheekh Cali Dheere oo aad looga shaki qabo in uu dhintay oo uu run yahay warka uu faafiyay sargaalka reer Kenya ee lagu magacaaboa Emmanuel Chirchir .

Sirdoonka dowlada Kenya iyo kuwa Mareeykanka iyo Faransiiska ayaa waxaa la xaqiijiyay inay gudaha Al Shabaab ku leeyihiin rag uga soo dhex warama dhaq-dhaqaaqa Al Shabaab kuwaas oo lacago xoogan ku qaata faafinta xogta qarsoon iyo sirta hoose ee ururka Al Shabaab .

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada