Dabaal Dagii Uu Sameeyay Alves Kulakii City Oo Lagayaabo Inuu Sabab U Noqdo Inuu Katago Barcelona.

Dabaal Dagii Uu Sameeyay Alves Kulakii City Oo Lagayaabo Inuu Sabab U Noqdo Inuu Katago Barcelona.

daajis.com:-Waxaa soobaxaya warar sheegaya in dabaal dagii uu sameeyay daafaca kooxda Bracelona Daniel Alves markii uu dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa kulankii Man City uu sabab u noqon doono inuu isaga tago kooxda.

Wargayska AS ee kasoo baxa Madrid ayaa shaaciyay suurto galnimda uu Daniel Alves uga tagi karo kooxda Barcelona dhamaadka xili ciyaareed kan kadib dabaal dagii uu sameeyay kulankii ay 2-1 kaga adkaadeen Man City.
Wargayska ayaa sheegaya in laacib kaan uu qilaaf kala dhexeeyo maamulka kooxda sidoo kale wuxuu sheegay in asxaabtiisa kooxda iyo taageerayaasha aysan la dhicin dabaal dagii uu sameeyay iyo hadaladi uu u adeegsaday taageerayaasha kadib goolkii uu dhaliyay.
Daniel Alves ayaa ka xumaa eedaynta ay taageerayaasha kooxda u soo jeedinayeen ciyaartoyda kadib guul daradii kasoo gaartay Valladolid, sidoo kale Alves ayaa horay u sheegay in taageerihii aan ku qanacsanayn kooxda inuu iska joogo gurigiisa.
Heshiiska Daniel Alves ee kooxda Barcelona ayaa ku eg June 2015 waxaana la sheegay in kooxda ay iska iibin doonto dhamaadka xili ciyaareed kan intii uu bilaasha uga tagi lahaa xili ciyaareed ka danbe.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada