Daawo Sawirada:- Gabdho Mataano ah oo kunool Somaliland oo lagu arkay Mucjisooyin layaab leh

Daawo Sawirada:- Gabdho Mataano ah oo kunool Somaliland oo lagu arkay Mucjisooyin layaab leh

daajis.com:-Magaalada Arabsiiyo ee galbeedka Hargaysa waxaa lagu arkay laba hablood oo Mataano ah oo shan iyo labaatan jirsaday, isla markaana la nool mucjisooyin aan hore loo maqal, kuwaas oo ay soo heleen wariyayaal tababar uga socdo xarunta hay’adda Free Press ee Hargeysa, waxaanay la soo yeesheen waraysi.


Labadan hablood ee mataanaha ah oo la kala yidhaahdo Sahra Cilmi iyo Xaliimo Cilmi waxay la nool yihiin Mucjisooyin la yaab ku noqday Nolosha ay ku jiraan oo aan hore loo arag, waxaanay arrintani soo jiidatay cidkasta oo maqasha. 




Labadan hablood ee Mataanaha ah ee ku nool magaalada Arabsiyo ee Galbeedka Hargaysa ayay Hooyadood u sheegtay war-fidiyeenada in ay shan jirkoodii ku aragtay calaamadaha illaa hada ka muuqda, kuwaas oo ay ka mid yihiin in ay Maskaxdoodu wada shaqayso oo midi waxa ay is tidhaa qabo ta kalena sidaas oo kale ay qabanayso oo aanay kala hadhayn. 

Tusaale ahaan haddii midkood xaaqin qaadato takalena ay qaadanayso oo ay mar kali ah shaqada wada qabanayaan, iyagoo marna wada bilaabaya marna wada dhamaynaya.

Sidoo kale, waxyaabaha la yaabka leh ee Mataanahan mucjisada ka dhigay waxa ka mid ah in ay Af ay isla garanayaan ku wada hadlayaan oo aanay dadku garanayn, kaasoo u eg Af-shinbireed aan la garanayn Dal lagaga hadlo, hase yeeshee Hooyadood oo kali ahi ay fahmi karto.


Mataanahan mucjisooyinka kale ee laga soo wariyey ee ay muujianayaan Sawirada laga soo qaaday waxa ka mid ah inay da’ahaan yihiin shan iyo labaatan jir, hase yeeshee muuqaalkoodu aad uga weyn yahay, iyagoo ka dhashay qoys Sabool ah oo aan Hanti ay ku daryeelaan haysan.

Hablahan Mucjisada la nooli ma ogola in qof kale dhex galo oo dhex istaago, waxaana taas isku dayey wariyaha waraysiga la soo yeeshay oo ugu tag waayey in uu isla sawiro isagoo dhex taagan.

Mataanahan shan iyo labaatan jirsaday ayaan Karin Cuntada ay quutaan, waxaana ilaa wakhtigan quudisa Hooyadood u bislaysa Saddexda wakhtiba.

Gabdhahan ayaa muuqaal ahaan aad isugu eg oo aan la kala garanayn, dhibaatooyinka haystana waxa ka mid ah haddii midkood xanuunsato, takalena way la xanuunsanaysaa oo waxay u baahanayaan Dawo isku mid ah, maadaama Maskaxdooda iyo Jidhkooduba mar wada shaqaynayaan.


W/ Q A.A.Asporo
Hargaysa/Somaliland


Asporo23@gmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada