Hadii 10-kan Qodob wax ka qabtaan Madaxda Dowlada waxaa suurto gal ah in amaanka Muqdisho Hagaago

Hadii 10-kan Qodob wax ka qabtaan Madaxda Dowlada waxaa suurto gal ah in amaanka Muqdisho Hagaago

daajis.com:-Fariintaani waxa ay ku soctaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Guddoomiyaha Baarlamaanka, RW Somalia, G/G/Banaadir, Taliyaha Militeriga, Boliska iyo Nabadsugida Qaranka Somalia.

Fariintaani waxa uu u jeedkeedu yahay waxyaabaha Lidka ku ah Ammaanka Dalka iyo qaabka sahla in la carqaladeeyo Ammaanka.

Haddaba waxan kusoo koobi doona Qodobo oo kaliya, kuwaasi oo tilmaamo u ahaan kara ciladda Ammaanka Dalka iyo sida ugu sahlan ee lagu sugi karo.

1- Ammaan darida Dalka waxaa kaalin buuxda ka qaata Ciidamadad DFS oo aan laheyn darees dhameystiran iyo kuwa ku labisan dharka shacabka ee wata qoryaha.

2- Haddii Askarigu uu wato Labis shacab islamarkaana wato Qoray, waa hubaal inuu yahay Askari lid ku ah Dhismaha Ammaanka maadaama uu la dhaga-adeegay dareeska lagu kala garan lahaa Askariga iyo shacabka.

3- Gawaarida aan laheyn Taarigada oo si sahlan uga qeybqaato Ammaan darida ka taagan Dalka.

4- ID-kaar la’aanta Ciidamadda oo sahleysa in la qalqal galiyo Ammaanka waayo Ruux weliba waxaa u sahlanaanaya inuu iska qaato Hub sharci la’aan ah.

5- Diiwaan galin la’aanta Hubka DFS oo sahleysa in la lunsado Hub farabadan isla markaana Ruux weliba uu dil ku geysto Qoriga uu sito.

6- Askarta DFS oo qoryaha indhaha ka galsha dadka shacabka isticmaalaya wadooyinka, taasi oo micno ahaan u dhiganta in Shacabka aysan laheyn ixtiraam.

7- Gawaarida loo yaqaan Cabdi bilaha oo aan tuuteysneyn isla markaana ay saran yihiin Ciidamo ku labisan dharka shacabka, waxa ay sahleysaa in Ammaanka Dalka uu halis galo, waayo waxaa noocaasi isticmaalo waxa loogu yeeray Mucaaradka diidan jiritaanka Somalia.

8- Ciidamadu haddii aysan dhex gal ku sameyn shacabka ama aysan la tacaamulin dadka ma heli karaan xog ku filan oo ku saabsan Ammaanka.

9- Ciidamadda oo sida maalaayacniga isaga ridaayo rasaasta waxa ay naceeb iyo argagax ku rideysaa Shacabka, waxaana quman in la xisaabiyo hubka qoryaha ku jira si uusan askariga ugu dhiiran inuu iibsado ama si sahlan u rido hubka.

10- Ugu dambeyntii, Qodobadaasi waxaa suuragal ah inay meesha kasaarto waxa loogu yeeray isku dhex-yaac ama habacsanaan dhanka Ammaanka ah, waxaana rajeynayaa in Madaxda Dalka ay waxbadan ka qaadan doonaan Qodobadaani oo aan u arko inay muhiim u yihiin Dalka.


Fikradaani waxaa Qoray: Qoraa Sare Anwar Bakhiit
Email Wararka@live.se

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada