War Deg Deg Ah Shariif Xasan oo loo diiday in uu galo Baydhabo iyo Dibad bax looga soo horjeedo oo hada socda

War Deg Deg Ah Shariif Xasan oo loo diiday in uu galo Baydhabo iyo Dibad bax looga soo horjeedo oo hada socda

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano kale oo la socday loo diiday in ay gudaha u galaan Magaalada Baydhabo .

Shariif Xasan Sheekh Aadan icday yo xubnihii lasayaa goordhaw ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Byadhabo , imaatinka Shariif iyo xubnaha lasocda waxaa si aad uga soo horjeesaday Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban lixda Gobol kuwaa oo ku dadaalaya in Shariif Xasan uusan gudaha u galin Baydhabo.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan hada uu ku xayiran yahay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ,waxaana loo diiday in uu gudaha u galo Magaaladaasi uu kasocdo shir uu isagu gadaal ka riixayo oo lagu dhisayo Maamul goboleed ka kooban ilaa sadax gobol.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeedo in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu soo galo Magaalada Baydhabo , waxaana dad badan oo careesay ay gubayaan sheegag iyo waxyaabo kale.

Dibad baxayaasha ayaa sidoo kale xiray wadooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Byadhabo , waxaana hada Magaalada Baydhabo laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah oo salka ku heesa Maamulada isdiidan ee lagu dhisayo Baydhabo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada