Daawo Sawirada:- Munaasabad lagu soo dhoweeyay dhismaha Maamulka Labada Shabelle

Daawo Sawirada:- Munaasabad lagu soo dhoweeyay dhismaha Maamulka Labada Shabelle

daajis.com:-Munaasabad balaaran oo lagu soo dhaweynayay laguna taageerayay dhismaha maamul goboleedka Shabelle State ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka soo qeyb galeen, waxgarad, siyaasiyiin, odayaal iyo haween.


Munaasabadan oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Maamulka Shabelle State Dr Abuukar Cabdi Cusmaan iyo madaxweyne kuxigeenka Xaaji Muxiyadiin Xasan Afrax, siyaasiyiin fara badan,Duubabka dhaqanka, waxgarad, culumaa’udiin, dhalinyarro iyo Xubno ka tirsan Haweenka ayaa waxaa lagu soo bandhigay soo dhaweyn iyo taageero loo muujinayay dhismaha maamulkasi, iyadoo sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay Heeso iyo Gabayo muujinayay sida ay raali uga yihiin dhismahasi iyo tagaeero hiil iyo hooba ah loolal garab istaagi lahaa hogaanka Maamulka.

Intii ay socotay munaasabada lagu soo dhoweynayay Maamulka Shabelle State ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso qiiro iyo barnaamij ku aadan ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo ay labada gobol caanka ku yihiin, iyagoo halkaasina ay wacdarro ka muujiyeen Kooxda Shamsudiin Band. 

Nabadoono, ugaasyo iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Nabadoon Xuseen Guure Jimcaale, Dr Muna C/laahi Maxamed, Maryan axmed Hiloowle, Suldaan Maxamed, Suldaan C/llaahi Cosoble barre, Cabdulaahi Cali Jimcaale, Nabadoon Jiinoow maxamed Ibraahim Nabadoon Cabdi Maxamed Cabdi, Maxamed Abdi Maxamed, Suldhaan Xuseen Jiis, kuwaasi oo dhamaan soo dhaweeyay Dhismaha maamulkasi iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay la shaqeyn doonaan, hiil iyo hoobana lagarab istaagi doonaan, waxaana ay ugu baaqeen mas’uuliyiinta la doortay inay dalka iyo dadkooda ugu shaqeeyaan cadaalad iyo horumar, si loo gaaro yoolka fog ee laga leeyahay dhismaha maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa iyagana halkaasi ka hadlay Madaxweyne kuxigeenka maamulka Shabelle State Xaaji Muxiyadiin Xasan Afrax iyo madaxweynaha maamulka Dr. Abuukar cabdi Cusmaan, iyagoo xusay in dhismaha maamulkani uu ka dambeeyay rabitaanka dadka shacabka ah ee ku dhaqan labadda Shabelle, waxayna sheegeen in labadan gobol ay yihiin laba gobol oo qani ku ah kheyraadka dalka intiisa badan, waxayna sheegeen in ay si cadaalad ah ugu shaqeen doonaan dadka soo doortay ee u dhiibtay xilalka.

Waxaa ay balan qaadeen in wax kasta oo ay qabanayaan ay ugu horeyn doonto cadaalad iyo sinaan wax walbana ay ku fulin doonaan iskaashi iyo wada shaqeyn, iyagoo sidoo kalana sheegay in maamulka inta ka dhiman ay soo gaba gabeyn doonaan sida Wasiirada iyo xildhibanadda maamulkasi iyagoo arimahasina ay u dhicidoonaan si cadaalad ah wax walbana lagu saleyndono cadaalad iyo sinaan, qeybaha kala duywan ee bulshadda ku dhaqan labada gobolna ay ku hogaamin doonaan dariiqa saxda ah oo ku qotoma nabad iyo cadaalad.










FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada