Wareegtada ayaa sidoo kale lagu magacaabay masuuliyiinta cusub ee ku-xigeenada ka noqonaya maamulka gobolka gobolka Banaadir
Kamal Gutale ayaa waxaa loo magacaabay Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada iyo dimoqraadiyeynta , waxaana xilka kuxigeenka dhinaca siyaasada iyo arrimaha bulshada laga qaaday Cali Axmed Guure.
Sidoo kale kuxigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada waxaa loo magacaabay Ismaaciil Macalin Cabdi Guure, waxaana xilkaas laga qaaday Iimaan Nuur Iikar oo loogu bedelay Kuxigeenka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada
Waxaa kaloo Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga laga qaaday Warsame Maxamed Joodax, waxaana sida muuqata xilkaas amniga heynaya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab, maadaama ay hoos tagayaan Talisyada Nabadsugida iyo Booliska Gobolka Banaadir.
Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir waxaa loo magacaabayMaxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin) waxaana xilka laga qaaday C/kaafi Hilowle Cismaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:11 and have
, Published at