Daawo Sawirada :- Saraakiil Kenyan ah oo sheegay in ay ku biirayaan Dagaalada ay Al-Shabaab Dalka ka wadaan

Daawo Sawirada :- Saraakiil Kenyan ah oo sheegay in ay ku biirayaan Dagaalada ay Al-Shabaab Dalka ka wadaan

daajis.com:-Labo Sargaal oo katirsanaa Ciidanka Kenya dhawaana shaaciyay in ay diinta Islaamka qaateen ayaa ku dhawaaqay in ay ku biirayaan Dagaalada ay wadaan AL-Shabaab ee lagu difaacayo sida ay sheegeen Diinta Islaamka.

Saraakiishan ayaa Al-Shabaab waxa ay kasoo qafaasheen gudaha Dalka Kenya waxa ayna dhawaan Saraakiishan Masjid kuyaala Degmada Braaawe ku shaaciyeen in ay qaateen Diinta Islaamka.

Muuqaal lasoo dhigay Websetyo taageera Al-Shabaab ayey Saraakiishan Kenyanka ah waxa ay ku shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in ay ku biiraan Dagaalada ay Al-Shabaab wadaan ee lagu difaacayo diinta Islaamka .

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo horey uga haday Masjid labadan Nin ku shaaciyeen in Diinta Islaamka qaateen ayaa xusay in ragan ay fasax yihiin ayna aadi karaan meel alle meeshii ay doonaan.

”Maanta ka dib labadan ruux ee Kenyaatiga ah waa walaalaheen, waxeyna xaq u leeyihiin wax kastoo ruuxa Muslimka ah uu xaq u leeyahay, waxey xor u yihiin inay aadaan meeshay doonaan hadday dalkooda dib ugu laaban lahaayeen iyo haddii dalka sii joogi lahaayeen” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa ka dhinac dagaalama Dagaalyahano badan oo ajaaniib ah oo u kala dhashay Wadamo badan oo caalamka ah , labadan sargaal ee Kenyanka ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay oo Maxaabiis ahaan loo soo qabtay oo shaaciya in ay ku biiraan Dagaalka Al-Shabaab wadaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada