WAR DEG_DEGa;- Qarax Xoogan oo qasaare kala duwan dhaliyay oo Maanta Muqdisho lagula eegtay Ciidamada AMISOM

WAR DEG_DEGa;- Qarax Xoogan oo qasaare kala duwan dhaliyay oo Maanta Muqdisho lagula eegtay Ciidamada AMISOM

daajis.com:-Waxaa Maanta Qarax Xoogan oo nuuca Miinada Dhulka lagu aaso ah lala eegtay gawaari ay wateen Ciidamada AMISOM xili ay marayeen agagaarka Isbitaalka Carafaad ee Degmada Yaqshiid.

Goob jooge ayaa ku waramay in qaraxa lala eegtay gaadiid badan ay wateen Ciidamada AMISOM , waxa uuna tilmaamay Goob joogahan in Ciidamada AMISOM uu qasaare xoogan uu kasoo gaaray qaraxaasi lala eegtay.

Ciidamada AMISOM ayaa qaraxa kadib la sheegay in ay fureen rasaas aad u xoogan taa oo iyana dhalisay waxyeelo kala duwan oo dad rayid ah kasoo gaaray inkastoo aan si rasmi ah loo heyn qasaaraha ka dhashay.

Qaraxa kadib ayaa Ciidamaad AMISOM waxa ay gabi ahaan xireen laamiga Warshadaha gaar ahaan halkii lagu qarxiyay , waxa ayna halkaasi ka bilaabeen in ay rasaas culus furaan dadkana ka eryaan halkaasi.

Wali si rasmi ah looma hayo qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac Ciidamada AMISOM kasoo gaaray qaraxa lala eegtay iyo sidoo kale qasaaraha ka dhashay rasaasta ay fureen Ciidamada AMISOM.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada