Daawo Sawirada:- Wasiirada Haweenka oo kaga qeyb gashay magaalada New York shirka Haweenka Aduunka

Daawo Sawirada:- Wasiirada Haweenka oo kaga qeyb gashay magaalada New York shirka Haweenka Aduunka

daajis.com:-Wasiirada Horumarinta Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qeyb gashay shirka Haweenka Aduunka oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobey.

Shirkan ayaa looga hadlay arrimaha haweenka, xuquuqda Dumarka, Gudniinka iyo sidii loo hormarin lahaa dumarka Aduunka.

Wasiirada Haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye oo khudbad ka jeedisay shirka ayaa ka hadashay xaalada haweenka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in haweenka ay kaalin weyn ku leeyihiin bulshada.

Dhinaca kale Wasiirada ayaa la kulantay Wasiirka Arrimaha dibada Turkiga Ahmed Dovugtulo, Wasiiradaha Haweenka ee dalalka Norway iyo Talyaaniga oo kala hadashay horumarinta haweenka iyo sidii ay taageeri lahaayeen haweenka Soomaaliyeed ee dhibaatada ugu badan ka soo gaarto xaaladaha adag ee dalka ka jira.

Shirkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee Wasiirada Horumarinta Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ay kaga qeyb gasho shir caalami ah, tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii Janaayo ee sanadkan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada