DAAWO SAWIRRO: Dowladaha Soomaaliya iyo China oo heshiis iskaashi ah kala saxiixday

DAAWO SAWIRRO: Dowladaha Soomaaliya iyo China oo heshiis iskaashi ah kala saxiixday

daajis.com:-Dowladaha Soomaaliya iyo China ayaa heshiis iskaashi caalami ah ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka arimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shaley heshiis iskaashiga iyo horumarka la saxiixday safiirka China u fadhiya dalka Kenya.

Heshiiska ayaa waxa uu ka dhacay safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi, waxaana goobjoog ka ahaa danjiraha Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Nuur Americo.


Danjire Cali Americo oo heshiiska ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo China kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda China ay Soomaaliya u fidin doonto taageero caalami ah, iyadoo China ay Soomaaliya ka saacidi doonto dib u dhiska dalka iyo korumarka.



 FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada